WararkaWaxbarashada

Tababar Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah oo Ka Furmay Muqdisho

Kudhawaad 60 macallin Dugsi Qur’aan oo ka kala socda gobollada kala duwan ee dalka ayaa tababar sare loogu qaadayo aqoonta wax dhigista uu uga furmay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay jamciyadda Soomaaliyeed ee Qur’aanka Kariimka ayaa furintaankiisa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiim Sheekh Xasan iyo marti sharaf kale oo tababarka lagu casuumay.

Guddoomiyaha jamciyadda Qur’aanka Kariimka Yaxye Cumar Calasow ayaa sheegay iney joogteyn doonaan tababarrada sare loogu qaadayo aqoonta macallimiinta dugsiyada Qur’aanka, isagoo shacabkana ugu baaqay iney jamciyadda la shaqeeyaan:

“Tababarada noocaan oo kale ah waa sida ay u bilowdeen, waan joogtaynaynaa, weyna sii socon doonaan inshaa Allaah, waxaan baaq u jeedinayaa Ummadda Soomaaliyeed iney jamciyadda garab istaagaan oo aan ka helo taageero xagga cilmiga ah, taageero xagga fikradda ah iyo in garab nalagu siiyo horumarka tacliinta Qur’aanka kariimka ah.”

dhanka kale, Guddoomiyaha Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay dhibaatada laga soo maray tajwiidka in dalka laga dhaqangeliyo:

“Hadda Maashaa Allaahu Tacaalaa, tajwiidkii baa la bartay oo waliba dagaal dheer loosoo galay, in tajwiidka la barto waa lagu soo dadaalay waa loosoo sabray, laakiin waxaan leenahay haddii Qur’aanka xuduuddiisa iyo aadaabtiisa aan la toosin barakadiisa la heli maayo,

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiim Sheekh Xasan ayaa sheegay iney jamciyadda la shaqeynayaan dadaalwalba oo karaankooda ahna ay sameyndoonaan:

“Waxaanu diyaar u nahay hadda iyo wixii ka dambeeya, iyadoo aad ogtihiin in aad imkaaniyaadka aan haysannaa u fiicnayn, hadana waxaanu sameynaynaa dadaal walba oo suurtogal ah.”, ayuu yiri wasiirka.

Si kastaba, Jamaciyadda Soomaalieed ee d Qur’aanka Kariimka oo la aasaasay sanadkii hore ayaa tababarkanina uu noqonayo kii ugu horreeyay ee ay qabato jamciyadda oo ballanqaaday in tababarada noocan oo kale ah ay joogteyn doonto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close