WararkaWaxbarashada

Tababarro Kor Loogu Qaadayo Xirfadda Ardayda Kulliyadaha Enjineernimada ee G.Benaadir oo Furmay

Tobobar dhowr maalin soconaya oo kor loogu qaadayo xirfadda ardayda dhigatay kulliyadda Enjineernimada ee gobolka Banaadir ayaa ka bilowday maalinimadii shalay ee gudaha maagalada Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxaa taabogelinaysa jaamacadda Banadir oo taageero ka heshay labo company oo midi uu ka shaqeeyo adeegga Solarka  Iri Energy , halka kan kale uu ka shaqeeyo adeegyada Internet-ka waxaana la yiraahdaa Som DFT.

Guddoomiyaha jaamacadda Banaadir Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo tababarka daahfuray ayaa ka hadlay qiimaha ay leeyihiin tababarada xirfadaha ah ee ardaydu ay qaadanayaan, waxaanuu ugu baaqay ardayda iney wakhtigooda ka faa’ideystaan wixii culeys ah ee lasoo gudboonaadana ay xalin doonaan:

“Waxaan aad iyo aad ugu bogaadinaayaa dhalinyarada soo doonatay tababaradaan xirfadeed, adduunyada shahaado waad qaadan kartaa laakiin waxaa ka muhiimsan shaqo aqooneed inaad qabato oo ganactaa wax ka barato, markaa mudada Shanta maalmood ee aad joogtaan saddexdaa tababar oo la idiin sheegay ayaad qaadan doontaan, siduu Engineerku idiin sheegayba in firfircooni aad muujisaan, su’aalo badanna la waydiiyo, idinka naftarkiina kooxo la idiin kala qeybiyo, saacadaha la idiin kala duwo si qof walba oo idinka mid ah uu gacanta uga shaqeeyo hal Project uu qaato bilow iyo dhammaadna uu ka shaqeeyo civil Engineering, waxaan halkaan uga dhawaaqayaa in tababaradii ay noo furan yihiin , waxaan idiin rajeynayaa guul inta tababaradu ay socdaanna kormeer ayaan idinkugu imaandoonnaa si wixii caqabo ah aad la kulantaan aan u xalinno.”

Ku simaha hormuudka kulliyadda Engineering ka ee jaamacadda Banaadir Cabdirisaaq Cali Casayr, ayaa dhankiisa sheegay in tababarka waxa ugu muhiisan uu yahay in ardaydu ay ka heli doonaan xirfado ay ku shaqeystaan :

“Muhiimadda ugu weyni waxa weeyaan xirfad inaad yeelataan, Soomaaliya waxa weeyaan dadka dhan waxay ku shaqeeyaan shaqo xafiiseed, waxaan rabnaa inaan dad xirfadlayaal ah soo saarno, macquul maaha inuu Solar System uu sameeyo nin Kenyati ah sax maaha, ardaydana oo joogaan dadkii Soomaaliyeed oo shaqo la’aan ah, waxaan rabnaa in xirfaddii qofku qaato isla markaan uu fuliyo Project-gii lacagtiina uu isagu qaato.”

Si kastaba, tababarrada noocan oo kale ah oo kor loogu qaadayo xirfadda ardayda jaamacadah dalka waa kuwo aad loogu baahan yahay, ardayduna ay ka helayaan aqoontii ay u baahnaayeen oo gacmaha laga qabanayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close