CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

WHO iyo XF Soomaaliya oo Iska Kaashanaya Ol’ole lagula Dagaalamayo Cudurka Jadeecada

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in dad badan ay khatar ugu jiraan cudurka Jadeecada, sidaa darteedna ay bilaabayaan ol’ole ay iska kaashanayaan hay’adda iyo XF Soomaaliya oo lagula dagaalamayo cudurka.

Wakiilka WHO ee Soomaaliya  Dr Ghulam Popal ayaa sheegay in Abaarta iyo nadaafad  la’aanta biyaha ay keeneen shuban biyood galaaftay nafta 1,157 qof  ka hor 31 July 2017.

“Soomaaliya waxaa ay wajaheysaa dhibaato banii’aadnimo tii ugu darned, Malaayiin dad ah oo horay la dhibaateysnaa abaarta iyo gaajada ayaa hadda waxaa ugu darsamay xanuun sida Shuban Biyoodka iyo Jadeecada, in la daaweeyo ama laga hortago waa fududahay, laakin waxaa daran in ay faraha ka baxaan.” ayuu yiri Dr Ghulam Popal.

Kharashka ol’olaha ku baxaya ayaa lagu qiyaasay inuu gaarayo illaa $ 14.4 million oo lagu talaalayo cudurka Jadeecada, waxaanuu bilaabayana bisha November 2017. US$ 6.8 million oo WHO ay codsatay  illaa hadda waxba kama soo gaarin deeq bixiyeyaasha.

13 August, 2017 ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in dalka laga ciribtiray cudurka Dabaysh, sidaas oo kale cudurka Jadeecada ayaa la bilaabayaa ol’ole lagu ciribtirayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close