WararkaWaxbarashada

Sheeko Bani’aadamnimo oo Xanuunbadan..Waxa uu Isdilay Kadib Markii Caruurtiisa Laga Soo Eryay Iskuulka

Cabdil al-Muncim Ismaaciil waa jilaa caalan ah oo u dhashay dalka Masar, 280 filim iyo ruwaayadood ayuu ka qeybqaatay, kaalintiisa jilaanimana dadku aad ayay u jeclaayeen.

Waxa uu ahaa jilaa xirfado badan, waxa uu jilay kaalinta, macallin, ciidan, hogaamiye kooxeed, dhammaan shakhsiyaadka uu matalay ka aamey marneyn kaalinta comedy-ga ee shactarada oo aad loogu yaqaannay. Waxaanuu ka mid ahaa dadkii ugu shactarada badnaa aflaamta Masar.

Aflaamtiisii ugu caansaneyd waxaa ka mid ahaa ee uu wax ka jilay “Asiirul al-Cuyuun”, “Qadab al-Waalideyn”, “al-Asdah Xasan”, … iyo kuwo kale ee farabadan.

Cabdil al-Muncim Ismaaciil waxa uu dhashay 3 November, 1907, kaalintiisa jilaanimo waxa uu bilaabay sanadkii 1941, xilligii hore kaalimo yaryar ayuu ku lahaa dhanka jilaanimada, xilli mararka qaar hal muuqasho oo kaliya uu ku lahaa filmika.

Inta aanuu geeriyoon Labo sanno ka hor ayaa dadka aflaamta sameeyaa ay ka yara fogaadeen cid filim usoo bandhigtana uu waayay, sidaa darteed waxaa qabsaday faqri ba’an, deyn badan ayaana lagu yeeshay, arrimaahas is biirsaday ayuuna quus galiyay.

Dhibaatadiisa waxaa sii xoojiyay kadib markii caruurtiisa laga soo eryay iskuulaadkii ay dhiganayeen, fiigii iskuulka oo aan muddo ah la bixin awgeed. Dhacdadan ayaa kusii adkaysay nolosha, waxaanuu u adkeysan waayay duruufta iyo waaha nolosha.

30 October, 1970, ayuu go’aansaday inuu is dilo xilli markaa da’diisu ay ahayd 63 jir, webiga Niil ayuu isku tuuray, halkaas oo noloshiisa si darxumo leh uu ku waayay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close