arrimaha bulshadaWararka

10 Goobood oo Aaney Suurtogalka ahayn In La Booqdo.. Jasiiradda Abeesooyinka iyo Xarunta Tijaabooyinka Nukliyeerka

10 goobood ee aaney suurtogal marnaba ahayn inaad booqato waxay ka mid yihiin goobaha adduunka aadka loo ilaaliyo isla markaan iney cidi usoo dhawaato aan loo ogoleyn, waxaa ka mid ah jasiiradda Abeesooyink, Bankiga Keydka abuurka miraha iyo goobo kale oo qaarkood tijaabooyinka Nukliyeerka lagu sameeyo.

Wargeyska The Richest ayaa soo qoray liiska goobaha ugu khatarta badan dunida oo sir badanina ay ku hareeraysan tahay qofna aanuu awood u lahayn inuu booqasho ku gaaro.

1 – Jasiiradda Abeesooyinka

jasiiradda abeesooyinka

Jasiiraddan waxaa jooga in ka badan 4000 oo abooso dilaa ah oo noocyo kala duwan leh, iyadoo jasiiraddani badkeedu aanuu ka badnayn 110 hektar, ayaa waxay ku tallaa meelo u dhaw “Sao Paulo” gudaha dalka Brazil.

2 – Goobta Number 51

no 51

Waxay ku tallaa meel u dhaw Nevada gudaha dalka Mareykanka, waa goob si weyn loo ilaaliyo, waxaa ku hareeraysan miinooyin, cid gudaha goobtaa waxa ka socda ogi ma jirto, aragtiyada qaar ayaa waxay leeyihiin waa goob lagu tababaro laguna soo dhaweeyo makhluuqaadka kale ee ka yimidaadda duni kale.

3 –  Qolka Boqoradda Ingiriiska

qofka boqoradda

Qolka jiifka boqoradda Ingiriiska Elizabeth II ee ku yaalla gudaha qasriga Buckingham ee qoyska reer boqor.

4 – Qolka 39

qoflka 36

Kuuriyada Waqooyi waxaa ku yaalla goobo aan loo ogoleyn qofina uu istaago, waxaana la sheegaa iney yihiin goobo sir ah oo laga dhoofiyo mukhaadaraadka hantida sharcidarrada ahna lagu kaydiyo goobtaas oo uu leeyahay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ee Kim Jong-un.

5 – Jasiiradda Sentinel

Jasiiradda Sentinel

Tirada dadka jasiiradda dagan waxaa lagu qiyaasaa 50-400 oo qof, in la booqdaana suurtogal maaha, waa jasiiradda ugu go’doonsan adduunka, dadka daganina ma ogola iney qaataan ilbaxnimada, waa dad dhar la’aan ah, waxay cunaa khudaar ay beertaan iyo kalluunka oo ay badda kala soo baxaan. Xukuumadda India oo jasiiraddan maamushaa waxay mamnuucday in la booqdo.

6 – Qubuuraha Qin Shi Huang

Qubuuraha Qin Shi Huang

Qubuurahan boqorkii Shiinaha ee Qin Shi Huang, waxa uu rumeysnaa in uu soo noolaandoono, sidaa darteed waxa uu amray in la sameeyo ciidan dhagaxaan ah oo marka uu nolosha ku soo noqdo u dagaallama, dhismaha ciidankaa waxaa ka qeybqaatay illaa 700 kun oo qof, waxay sameeyeen muuqaallo askar oo midba mid kale uu ka duwan yahay. Qubuuraha sida aad doonto ayaad u booqan kartaa, laakiin qabriga boqorka kuuma suurtogalayso illaa qeyb ciidankaa dhagaxaanta ka tirsan la burburiyo mooyaane arrinkaasina suurtogal maaha.

 7 – Jasiiradda Carthage

- Jasiiradda Carthage

Jasiiraddani waxay ku taallaa Iceland, lama ogola in la booqdo, jasiiradani waxay ka sameysan tahay fulkaano aad u xoogbadan oo dhacay sanadkii 1963.

8 – Godka Svalbard

bankiga abuurka beeraha dunida

Godkan waa keydka dunida ee abuurka beeraha, waxa uu ku yaalla cirifka Waqooyi ee dunida, waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay Bankiga abuurka beeraha ee dunida,  waxaana loo ilaaliyaa si aad u xoog badan, waxaana loogu talogalay kadib musuubooyin dabiici ah oo imaan kara in lagu badbaado oo abuurkaa miraha lagula soo baxo.

 9 – Jasiiradda Heard

Jasiiradda Heard

Jasiiraddani  Heard waa jasiirad Folkaano ah oo ku taalla Australia, waxay ku jirtaa goobaha ugu khatarta badan, fulkaanada goobtaasi hadda waa mid dagan, laakiin xilli kasta waxa uu sameyn karaa  qarx, sidaa soo kale nolosha halkaa ka jirta ayaa cid u dulqaadan kartaa aaney jirin.

10 – Mezhgorye

- Mezhgorye

 

Waa goob Ruushku ay leeyihiin oo aad sir u ah, dhulka hoostiisana ku taalla, waxaa la sheegaa in dhulka hoose ay u qodon tahay 400 oo mayl, waxay ku taalla meel u dhaw buurta Yamantu, goobtan oo la aasaasay sandkii 1992 ayaa la sheegaa iney ka shaqeeyaan 10 kun oo qof, waxaan loo badaniyaa iney tahay goob lagu sameeyo tijaabooyinka Nukliyeerka.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close