WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Hirgeliyihii Ugu Horreeyay ee Book Fair-da Dalka oo Aan Wareysi Gaar ah la Yeelannay

Waxaan wareysi gaar ah la yeelannay Jaamac Muuse Jaamac oo ah guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa Ee Hargeysa Cultural Center, waa qofkii ugu horreeyay ee burburkii kadib hirgeliya  Bandhig buug isla markaana dhiirigeliya qoraaga Soomaaliyeed ee u baahnaa meel uu hal abuurkiisa fikradeed kusoo bandhigo.

Jaamac oo u warramay wariyeehnna magaalada Hargeysa ee Sagal Guure, ayaa ugu horreyn ka warramay aasaaskii hore ee xarunta iyo fikraddii ka dameysay:

“Xarunta jiritaankeeda iyo waxay qabataa way kala weynyihiin, xaruntu waxay kasoo jeeddaa bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sanadkan 10 jirsaday, markii ugu horreysay waxay ahayd 2008, markaa muddo hadda 10 sano laga joogo ayaa bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa uu Joogay.”

Waxa uu tilmaamay in xaruntani ay sanadkii oo dhan shaqeyso maadaam Lix cisho oo bandhigga buugaagtu socdo aan howlo badan oo muhiim ah lagu wada qaban karin:

“Bandhigga warkiisa waad haysaa buuggu waa wadnaha shaqadan, laakiin howshu buug kaliya maaha, buug waxaa ku xeeran waxa alaaliyo wixii fan ah dhaqan ah aqoon ah, dood ah, waxa ku xeeran way badan yihiin, markaa waxaan is weydiinnay Lix cisho kaliya kuma filna Hargeysa, lix cisho kuma filna in laga hadlo qoraaga iyo buugga, lix cisho kuma filna in doodo la sameeyo oo had iyo jeer wixii taagan ama dhalinyarada ha ku saabsanaadaan ama bulsho weynta ha ku saabsanaadeene kuma filna sidaa daraadeed ayaa loo baahday inaan sanadka oo dhan shaqeynno.”

Aqoonyahan Jaamca waxa uu hoosta ka xarriiqay in fikraddii uu 10 sano ka hor bilaabay maanta ay ku faaftay dalka oo dhan iyo dadalal kale oo Afrika oo Malawi ku jiro in sanadkan laga bilaabay Book Fair:

“Marbay la bilaabatay fikirka odhanaaya in gobollada oo dhan kooxaha la yiraahdo naadiyada akhriska, markaa waxaa iska sameysamay wakiillo imika Burco haddii aad bil joogto saddex dhacdo oo buugaagta ah ayaa naadiga Burco ka sameysan ee naadiga akhrisku uu sameeyaa, Borame Labo illaa Saddex baa ka sameysan, Ceerigaabo naadiweyn baa ka sameysan, Laascaanood naadiweyn baa ka sameysan markaa barnaamijku kuma koobna halkan, markaa Somalilandna waad aragtoo fikirkii meel kasta ayuu yaallaa, arrinku wuu kasii ballaadhay oo sida aad la socoto Garowe Book Fair baa laga bilaabay, Muqdisho Book Fair hadda wuu soo dhawyahay kiisii saddexaad, Kismaayo waa laga bilaabay, Jabouti waa laga bilaabay, Malawi waa laga bilaabay waxaa jiro meelo badan oo inta Book Fairkani socday laga bilaabay mashruuc la mid ah.”

Jaamac waxa uu muujiyay inaaney muhiim ahayn in Hargeysa Book Fair isballariyo oo isagu uu meelo badan uu ku faafo, laakiin tan kasii muhiimsani ay tahay in fikraddu meel walba gaarto dagaan kastana dadkii ay dhaqangeliyaan:

“Mashruucaasi markaa faa’idada uu leeyahay waxa weeyaan, ma’ah in bandhigga caalamiga ah ee Hargeysa Book Fair inta uu guuro inuu meel kale wax ka qabto, fakarka qiimaha leh waxa weeyaan in meel kasta oo Somaliland ah waxan oo kale la sameeyo. Waa in Garowe ay kasoo baxaan dad Garowe dagan, Soomaaliya gobol kasta oo ka tirsan waa iney cidi kasoo baxdaa.”

Ugu dambeyn, Jaamaca waxa uu madax ka yahay urur lagu magacaabo Red Sea Cultural Foundation oo ah urur ka shaqeeya Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close