WararkaWaxbarashada

Kulan Iskugu Jiray Wacyigelin Dhanka Waxbarashada ah & Abaalmarin arday oo Ka Dhacay Bandiiradley

Kulan iskugu jiray wacyigelin dhanka waxbarashada ah iyo abaalmarin arday ayaa ka dhacay deegaanka Bandiiradley ee dowlad-goboleedka Gamudug.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socta wasaaradda waxbarashada Galmudug, aqoonyahanno waalidiin iyo arday ayaa waxaa lagu wacyigelinayay bulshada sidii ay aqoonta maaddiga ah ugu ogalaan lahaayeen ubadkooda, maadama ubad badan waxbarashada looga reebo fikrado ay iska dhaadhiciyeen dadka qaar oo ah inay diintooda wax u dhimeyso, fikradaahaas ayaana la is lahaa muddo dheer ayaa dadka ugu dambaysay.

Macallin Salaad Cali Mire oo ka mid ah culumo-awdiinka deegaanka Bandiiradley ayaa ka hadlay sida ay ugu dadaaleen in caruurta la baro waxbarashada maadiga ah lagulana dadaalo ubadka, waxa uu tilmaamay in wacyigelinta waxbarashda maaddiga ah ay dhibaato badan kasoo mareen maadaama dadka magaaladu ay aaminsanaayeen in waxbarashada maadiga ah ay tahay mid diinta qofka wax u dhimaysa.

Agaasimaha waxbarashada dadban ee wasaardda waxbarashada Galmudug Marwo Xabiibo Maxamuud ayaa sheegtay in sanadihii u dambeeyay ay ku howlanaayeen kormeerka heerka waxbarashada caruurta oo ay ku sameynaayeen dhammaan deegaannada fog-fog ee Galmudug si caruurta miyugu u heleen furasdaha waxbarasho oo ay u baahan yihiin.

bandiiradley banner1

Kulanka ayaa intii uu socday abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyay dufcaddii saddexaad ee ka qalinjabisay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Bandiiradley iyadoo hadda waxbarashada deegaankana laga dareemayo xogaa horumar ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close