WararkaWaxbarashada

Kulan Looga Hadlay Horumarinta Dhinaca Waxbarasho ee Deegaanka Buulo-mareen oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Kulan ay soo qabanqaabiyeen midowga ardayda Jaamacadaha ee deegaanka Buulo-mareer loogana tashanay horumarinta deegaanka ee dhinacyada  waxbarashada iyo horumarinta oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay kasoo qeybgalay boqolaal arday ah, aqoonyahan, odayaal dhaqmeed, madaxda ka socotay maamulka Shabeellada Hoose ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa deegaanka Buulo-mareer dhanka waxbarashada bulshadana la isku xiri lahaa, dadka waxgal ah ee deegaanka u dhashayna ay dib ugu laaban lahaayeen deegaan.

Guddoomiyaha midwoga Ardayda Buulo-mareer Cabdirashiid Nuur Ibraahim ayaa ka hadlay ulajeedada kulanka iyo sida uu muhiimka u yahay, waxaanuu yiri:

“Ulajeedada aan ka leennahay waxa uu yahay bulshada guud ahaan iney isku xiranto, reer Buulo-mareer qabiil meeldaga maaha waa qowmiyad Soomaaliyeed dhalinyaradoodii ayaa go’aansaday iney nidaamkan sameeyaan markaa ulajeedada waa in deegaankaas oo dhani ay mudoobaan.”

Yaasiin Nuur Ciise oo ahaa guddoomiyihii hore ee Warta Nabadda ayaa ka hadlay in deegaanka Buulo-mareer uu yahay mid barwaaqo ah loona baahan yahay iney dadkiisu dib ugu laabtaan:

“Buulo-mareer caan waxay ku tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, waxaan rajeynayaa in dadbadani ay dib ugu laabtaan, khaldadka dhankeenna waa anaan dib ugu laaban”.

Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda shabeellaha Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa ka hadlay in wadada kaliya ee daagaanka lagu hor-u-marin karaa uu yahay in dadkii deegaanka u dhashay ay dib ugu laabtaan oo waxbarashada caafimaadka iyo horumarkaba ay ka shaqeeyaan:

“Meeqaa ku laabatay Buuro-mareer oo amba macallin ka ah ama dhakhtar isbitaal ka ah ama MCH kalkaaliye ama kalkaaliso ka ah, taas ayaa ah inaan isweydiinno, buulo-mareer waxa dhisaayaa maaha inaan soo baxno oo Xamar imaanno ama gobollo kale tagno oo gobolladaa kaliya aan ka shaqeynno waxba ma dhisaayaan.”

Ugu dabmeyn, waxaa halkaa lagu abaalmariyay Hal-doorka deegaankaasi ee u taagan horumarinta waxbarashada oo shahaado sharaf lagu maamuusayo la guddoonsiiyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close