DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Qorsha Sanadeedka Waalidka ee Dhinaca Waxbarashada Ubadkooda

Waalid walba waxa uu jecelyahay amaba uu rajaynayaa in ubadkiisu  ay ku guulaystaan waxbarashadooda,hasa yeeshee culayska waxa ay saaraan sidii ay dhar  buugaag iyo qalimo ay ugu iibin lahaayeen. Waxayna ku fekeraan in ay  maalmaha ugu horeeya ay dugsiga waxbarashada geeyaan oo aysan ku laaban .

Laakiin waalid qiimaha  badan waxaan u sheegeynaa in ay waajibkaagu uusan insaasi ku ekeyn ee lagaaga baahan  yahay qorshe sanadeed dhamaystiran oo aad ubadkaaga  ugu tala gashay .

Waana astaamaha lagu  garto waalidka wanaagsan  ee marwalba u hanqaltaagaya sidii caruurtiisu ugu guulaysan lahaayeen waxbarashadooda .

Hadaba  waalidku ma u baahanyahya qorshe sanadeed  ku aadan habsami u socodka hawlaha  waxbarasho ee caruurtiisa  jawaabtu waa haa .

Si  aad u samayso qorshe sanadeed wanaagsan  waxaan raacaynaa talaabooyinkan

Qorsha sanadeedka  ku saabsan diyaar garawga sanad dugsiyeedka

1 – Waa in marka hore waalidku dareemaa waalidnimadiisa oo uu fahmaa in waajibkiisu uusan ku ekeyn waalidnimo ee  caruurtiisu xaq ku leedahay  waana tan diinteena islaamku nafarayso oo ah qof walba in uu mas’uul ka yahay gurigiisa.

2 – Waalidka waxaa laga doonayaa in uu sanad dugsiyeedka ugu diraar garoobo firfircooni  iyo xil kasnimo

3 – Waalidka waxaa looga baahan yahay in uu lahaado aragti fog ogaadana mar walba oo caruurtiisu guulaysato in ay mustaqbalka meel fiican gaarayaan.

Qorsha sanadeedka ku aadan inta ardaygu ku sugan yahay  guriga

Badanaa waalidiinteena soo maaliyeed malaha qorshe u gooni ah oo ay  ubadkooda ugu tala galeen inta ay ku suganyiiin hoygooda taasi waxa  ay keentay in ardeyda qaar dib u dhac uu ku dhaco dhanka waxbarashada  si aad uga baaraan degto sanadkan hadii eebe raali kanoqdo waxaad  raacdaa qodobadan .

a  )  Waa ubadkaaga aad marka hore u qorshaysaa waqtigiisa xiliga uu wax akhrinayo,xiliga uu ibaadaysanayo ,xiliga uu cayaarayo , xiliga uu cunayo , xiliga uu seexanayo waa in waalidku uu qorshahaasi ku tala galaa sanadka bilawgiisa si ardaygu u qabsado.

b ) Waa in waaliku qorshaha sanadka u darsadaa sidii uu ubadkiisa u dhiiri gelin lahaa hadii ay guulaystaan .

Waa in waalidku uu dareensiiyaa ubadkiisa jacaylka waalidnimo

c ) Inta uu ardaygu ku sugan yahy waalidka waxaa laga doonayaa in uu amaanta ugu dadaalo eraya wanaasana uu ku safeeyo  waayo hadaladaasi wanaagsan waxa ay  saameyn xoogan ku yeelanaya waxbarashadiisa

d ) In waalidku u diyaariyaa caruurtiisa jawi wanaagsan ,degan  oo   ay wax ku akhristaan sida:

Hoy nadiif ah ( qolka waxbarashada )

Iftiin wanaagsan

Fa dhi wanaagsan

e ) Qorsha sanadeedka waxaa ka mid ah in waalidku uu eego casharada  ubadkiisa ,sida uu waxa u qoray , fartiisa

In waalidku uu akhriyo casharadii uu maanta soo dhigtay oo uu ugu celiyo hadii uu awoodo.

Qorsha sanadeedka ku saabsan  xirirka waalidka iyo  maamulka Iskuulka

Marka aan ka hadlayno isku xirnaashaha waalidka iyo maamulka waxbarasho waxaan uga goda leeyahay in  waalidiintu aysan dabagal ku sameyn ubadkooda inta ay ku suganyihiin  hoygooda waxbarasho marka  laga reebo waalidiin fara ku tiris ah  oo dabagal kusameeya  caruurtooda.

Si aan arintaas uga gudubno waa in aan ku darsanaa qorshaheena sanadka .

– Waalidka waxaa la doonayaa in uu haysto taleefanka maamulka oo uu mararka qaar la soo hadlo

– Waalidka waxaa laga barabaa maalinta ugu horaysa in uu u sheego wiilkiisa ama gabadhiisa in uu iman doono dugsiga oo uu xaaladiisa waxbarasho la socondoono ayada oo markaasi maamulku uu maqlayo

– In bishiiba laba ilaa sadex mar uu yimaado  dugsiga oo uu si kedis ah ku yimaado waayo  arintaasi waxa ay  ardayga u horseedaysaa feejignaan iyo in uu dadaalo

– In waalidku bishiiba warbixin kooban waa in  uu ka helo   maamulka hanaanka waxbarasho ee caruurtiisa  meesha uu marayo  dadaalkiisa , akhlaaqdiisa , habdhaqankiisa,

Inta aad ku sugantahay hoygiisa waxabarasho waa in caruurtaada ku amaantaa wanaagooda marka ay la taaganyihiin ama ay la fadhiyaan asxaabtooda

Ugu danbeyntiis si caruruteenu  ugu fiicnaato waxabarashada waa in aan sameysanaa qorshe sanadeed dhamaystiran iin shaa allaahu waan guulaysan doonaa waxaana heli doonaa jiil ku fiican wabarashada kuna dadaala horumarka dalkeena Soomaaliya. 

 

W/D : Ustaad  Xasan  Cabdi  Maxamed ( Xasan Yufle)

 

Related Articles

Close