TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro ah oo Shirkadda Google Ku Abaalmarisay $10 kadib Markii uu Helay Goldalool Ay Shirkaddu Leedahay

Wiil dhalinyaro  ah oo u dhashay dalka Uruguay oo 17 sano jirna ah ayaa shirkadda Google ku abaalmarisay lacago 10 kun oo dolar ah kadib markii uu shirkadda tusay goldalool ay kasoo weerari karaan tuugada internetka kuna jabsan karaan.

Ezequiel Pereire ayaa sheegay inuu dhowr jeer oo hore isku dayay inuu helo Goldalool  gaar ah  oo ay shirkaddu leedahay laakiin uu ku fashilmay,  ugu dambeynse waxaa usuurtogashay inuu helo goldalool  shirkaddu ay  leedahay oo uu ku gaaray decomentiyo sir ah oo si aad ah loo ilaaliyo shirkaduna ay leedahay. Ezequiel waa arday dhigta waxbarshada computer-ka.

Shirkadda ayaa sanadkii 2010 bilowday barnaamij ay uga faa’ideysanayso dadka takhasuska computer-ka ah leh ee aan shirkadda u shaqeyn, intii ay shirkadda dhici lahaayeen ama tuugo jabsata ay noqon lahaayeen ayay u sameysay barnaamij la yiraahdo Vulnerability Rewards Program oo qofkii goldalool usoo sheega ay ku abaalmarinayso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close