WararkaWaxbarashada

Somaliland: 19 Macallin oo Laga Saaray Liiska Macallimiintii Qishka Lagu Eedeeyay ee Imtixaankii Shahaadiga Dugsiga Sare

Xafiiska imtixaanaadka Somaliland oo wax dambi ah ku waayay 19 macaallin oo ka tirsanaa Whatsup Goroups laga helay dambi ah in qish loogu gudbiyay arday xilligii imtixaanka shahaadiga ahaa ee dugsiga sare.

Xafiiska Imtixaanaadka ayaa sheegay in 19 kan macaallin laga helay liiska Whatsup Goroups-ka laakiin aaney kamid ahayn kuwii qishka ardayda u gudbiyay, halka kuwo kalena ay baaris ku wadaan oo haddii laga waayo iney dambi la’aan yihiin la shaacin doono.

 

liiska qishka liiska qishka1

Si kastaba, 16, August ayaa xafiiska imtixaanaadka Somaliland waxa uu soo saaray liis dheer oo ay ku qoran yihiin macallin aad u farabadan oo lagu eedeeyay iney qish u gudbiyeen arday imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada, macallimiintaa ayaa loo qabtay 12 saacadood si caddeeyaan haddayna dambigaa lahayn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close