TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

YouTube oo Soo Kordhisay Barnaamij Cusub oo Lagula Soconayo ‘Wararka Degdegga ah’

Muuqbaahiyaha YuTube ee caanka ah ayaa soo kordhiyay barnaamij cusub oo dadka wararka degdegga ah xiiseeya loogu talagalay, kaas oo shirkaddu kula tartamayso barta Facebook oo fikraddan oo kale ku dhawaaqday.

Wargeyska The Virgin ee caanka ku ah arrimaha teknoloojiyadda ayaa sheegay in barnaamij cusub oo qeybta wararka degdegga ah loogu talogalay  lagu soo daray barta YuTube, kaas oo leh dhammaan astaamaha barnaamijka Watch ee Facebook sida tijaabada ah ugu soo daayay gudaha dalka Mareykanka, isla markaana la doonayo inuu dunida oo dhan ku baaho.

Barnaamijkan cusub ayaa ku shaqeynaya si isku mid ah mobilka smartka ah iyo computer-ka labadan. Waxaana laga heli karaa wararkii ugu dambeeyay  ee qofku uu daneynayo iyo deegaannada uu ka doonayo inuu warkaa ka helo ee dunida daafaheeda kala duwan.

Qeybtan wararka ayaa video-ga loo habeeyay qaab Horizontal ah sidii aad doonto ayaadna uga xulan kartaa, waxaa kale oo aad awood u leedahay inaad qeybta wararka iska qariso haddii aadan gabi ahaamba daneyneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close