TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Digniinno Caalami ah oo Laga Soo Jeedinayo ‘Khatarta’ Robot-ka Wax Dila ee Sida Ciidanka oo Kale u Diyaarsan

116 Khabiir oo dhanka Teknoloojiyadda ah oo ka kala tirsan 26 dowladood ayaa saxiixay warqad furan oo ay u qoreen Qaramada Midoobay si loo mamnuuco Robot-ka dagaalka adeegsigiisa iyo xakameynta hubka Otomatig ah oo ay dadku iskood u haystaan, maadaama uu khatarta dhanka mustaqbalka ah oo arrintaasi ay leedahay uu ku jiro.

Dadkii warqadda saxiixay waxaa ka mid ahaa Elon Mask oo ah milkiilaha shirkadda Tesla ee gawaarida korontada ku shaqeeya iyo shirkadda SpaceX ee sawaariikhda, waxaa kale oo ka mid ah Mustafa Soliman oo  kamdi ah aasaasayashaaha Google’s Deep Mind software.

Khubaradan ayaa muujiya iney ka cabsi qabaan inuu dillaaco dagaallo dhanka Robot-ka ah oo maskaxda Smart-ga ah lagu dagaalamo si weynna loogu riiqmo.

Warqadda waxyaabihii ku qornaa waxaa ka mid ah “Waa horumar lagu sameenayo hubka otomatiga ah ee iskii wax u dila kaas oo keeni kara in dagaallo hor leh dunida ka qarxaan oo sida la filayo kasii ballaaran, si dhakhsiyo ahna ku iman kara”.

Waxayna ka digeen in hubkaa loo adeegsado in dadka dunida lagu argagax geliyo, iyagoo intaa sii raaciyay in hadda ay si weyn u sii kordhayso in hubkii sifooyin aan sharci ahayn lagu helayo si dano gaar ah loo fushado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close