WararkaWaxbarashada

Koox arday Turkiga ah oo Socdaal ku yimid Dalka Ayaa Howlo Dayactir Ah ka Sameeyay Iskuulka Agoonta ee Gudaha Muqdisho

Koox arday ah oo ka socday jaamcado kala duwan oo dalka Turkiga ah ayaa howl dayactir ah ka sameeyay gudaha iskuulka agoonta ee magaalada Muqdisho.

Ardaydan oo ka socdaan jaamcado kala duwan oo ku yaalla dalka Turkiga ayaa waxay u socdaan barnaamij wax isweydaarsi la yiraahdo oo ay soo qabanqaabisay wakaaladda Turkiga ee iskaashiga TIKA , sanadkan ayaa waxaa fursad u helay illaa 200 oo arday oo Turkiga ah oo booqanaya wado farbadan oo Qaaradda Afrika ah oo ay ka mid yihiin Tunisia, Libya, Somalia, Kenya, Algeria, Chad, Sudan, Ghana iyo Niger, iyagoo ardaydu ay safarkooda bilaabeen 5 August uuna ku eegyahay illaa 30 August.

Ardaydan ayaa ka qeybqaadanaya howlqabadyo arrimo bulsho ah iyo kuwo bani’aadamnimo , dayactir iskuulaad agoonta, booqasho maktabado iyo goobaha cibaadada sida ay TIKA u qorsheysay wadamada ay booqanayaan.

Qeyb barnaamijkaa ka mid ah ayaa ardayda 7 ka kooban ay yimaaddeen magaalada Muqdisho, waxay booqdeen safaaradda Turkiga, xerada tababarka ciidanka ee Turkiga, iskuulka duulimaadka madaniga ah lagu barto civil aviation, waxay booqdeen xafiisyada TIKA iyo mus’sasada Maarif Foundation ee dalka Turkiga laga leeyahay.

Ardayda ayaa inta ay socdaalka ku gudo jireen waxay ka qeybqaateen howl mutadawacnimo ah waxay dayactir ku sameeyeen kuraasta iskuulka agoonta ee magaalada Muqdisho oo ay wax ka bartaan ku dhawaad 800 oo arday.

Usame Targal oo ah arday dhigta sanadkii Labaad ee kulliyada Qaanuunka ee jaamcadda Sabahattin Zaim University ayaa wakaaladda wararka ee Anatolia u sheegay iney dacaytir ku sameeyeen illaa 200 oo kuraas iyo miisas iskugu jira iskuulkii agoonta ee ay gaareen. “Waxaan soo barannay dhaqamo kala duwan iyo caadooyin cusub intii aan ku jirnay barnaamijka wax is dhaafsi.. waxaan dhisnay xiriir wanaagsan u sameynnay labada qaaradood”, ayuu yiri Usame.

Ugu dambeyn, howlaha dayactirka ah ee ay ardaydani sameeyeen iyagoo ka yimid dalka Turkiga ayaa waxay ku dayasho wanaagsan u tahay ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo shirkadaha ganacsiga oo iskaashi ka sameyn kara iskuulaadka danyarta iney dayactir noocaan oo kale ah ka fuliyaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close