WararkaWaxbarashada

Masar: Nidaamkii Quudinta Ardayda ee Gudaha Iskuulaadka oo Isbedel Lagu Sameeyay Bilowga Sanad-dugsiyeedka Cusub

Wasaaradda waxbarashada dalka Masar ayaa ku dhawaaqday iney gabi ahaanba joojisay nidaamkii hore ee cuntooyinka gudaha iskuulaadka laga qeybin jiray laga bilaabo sanad-dugsiyeedka 2017/2018.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay cuntada ku bedeshay Buskud 50 G ah oo arday walbaaba uu helay oo heerka diyaarinta iskuulka ku jira, halka 80g la siinayo ardayda dugsiga hoose, waxaa u raacsiisay 50 oo rooti nooca doolshada ah iyo gasacad hilib ah, raashinkaa ayaa waxaa soo diyaarinaya qeybta adeegga ciidanka milatariga ee dalkaas.

Kumaan arday ah ayaa ku sumoobay sanadkii hore raashin lasoo diyaariyay oo lagu qeybin jiray gudaha iskuulaadka kadib mas’uuliyad darro badan oo lagu eedeeyay dadkii adeeggaa ardayda u gudbinayay.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda waxbarashada Masar oo la yiraahdo Raandah Xalaawat, ayaa bayaan kasoo baxay wasaaradda u akhrisay warbaahinta oo sheegtay in wasaaraddu ay tallaabo wanaagsan u qaaday sidii ay caruurtu ku heli lahaayeen raashin nadiif ah oo ka maran mushkiladihii sanadkii hore ee sumowga raashinka, “Wasaaradda waxbarashada iyadoo la tashaneysa wasaaradda caafimaadka ayay tallaabo u qaaday si loo ilaaliyo raashinka ardayda la siinayo, waxaana meesha laga saaray raashinkii qaleylka ahaa ee ardayda la sii jirey, si looga fogaado xaaladdii sanadkii hore oo kale”.

Xalaawat ayaa sheegtay in danta guud ee raashinka iskuulku uu yahay in cunto caafimaad leh ay ardaydu helaan oo ardaygu ku dhargi karo, si aanuu dhibaato u dareemin xilliga waxbarashada, heerka dhicitaanka waxbarashadana hoos loo dhigo.

Si kastaba, dalka Masar ayaa ardayda iskuulaadku ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah iyo raashin ka madaxbanaan kii guryahooda, si ardayga guriga laga gaajoonayo ka yimid aanuu ugu dhibaatoon waxbarashada hamigiisuna uu u noqdo cilmiga oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close