WararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaare Kheyre oo Culumo-awdiinka Qaar Kala Hadlay Kaalintooda Hoggaamineed ee Dhinaca Bulshda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kulan la qaatay culumo-awdiinka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn ku ammaanay culumada Soomaaliyeed kaalintoodii gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato oo soo ururiyaan lacago fara badan oo suurtogeliyey in dadka ay abaarahu ku dhufteen loo gurmaday.

Sida aan kasoo xigannay warbaahinta dowladda, ra’iisul Wasaare Xasan ayaa sheegay in culumada looga baahanyahay iney xoojiyaan kaalintooda dib u dhiska dalka, waxuuna yiri “Culumada doorweyn bey ku leedahay hoggaminta Bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad xoojisaan oo bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah.”

Culumada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uga mahadceliyey dhiirigelinta doorka culumada oo Guddiyada sida kan Abaaraha iyo kan Taakuleynta Ciidankaba oo ay ka tixgeliyeen kuna  dareen.

Culumada la kulantay Ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay iney diyaar u yihiin sidii ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen bulshada isla markaasna ay diyaar u yihiin in dowlada ay ku toosiyaan dariiqa saxa ah, isla markaasna garab istaagaan marwalba si dalka loo gaarsiiyo horumar ballaaran oo dhan walba leh.

kheyre 2

kheyre1

Maandeeq FM

Related Articles

Close