WararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaare Kheyre oo Xarigga Ka Jaray Imtixaanka Qabuulka Jaamcadda Ummadda oo Arday Cusub Qaadaneysa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa Maanta furay imtixaan laga qaadayo qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ka qalinjabisay oo ay qaadaneyso Jaamacadda Umadda.

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Sonna Imtixaankan oo ay u fariisteen radaydan ayaa ujeedkiisu yahay sidii  loo qiimeyn lahaa tayada waxbarasho ee ardayda ka so baxday dugsiyada sare, si ay ugu gudbaan waxbarashada sare ee heerka jaamacadeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo maamulka Jaamacadda Umadda ayaa kormeerey imtixaanaadkaasi, iyagoo u kuurgalaya qaabka loo soo agaasimay iyo habka imtixaanaadkaasi u dhacayo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhiirigeliyay ardayda iney sare u qaadaan aqoontooda, islamarkaana ay qeyb ka qaataan horumarka dalka.

Jaamcadda Ummadda ayaa sanadkan qaadaneysa ku dhawaad 1000 arday oo lacag la’aan ku dhigayanaya kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close