WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada Somaliland oo Ka Digtay Dhalinyaro la Sheegay Iney Deeqo Waxbarasho oo Turki ah ay Dad Lacago Kaga Gurteen

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa ka digeysa dhalinyaro sheegtay iney wadaan deeqo waxbarasho oo dalka Turkiga ah isla markaana ay dad arrintaa lacag uga guranayaan.

Madaxa waaxda imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo la shalay magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan aaney ka warhayn deeqo waxbarasho oo dalka Turkiga laga helay:

“Waxaa maalmahan nagu soo noqnoqonayay qolo la yiraahdo Turkey Afro educational services oo aanan garaneyn meel alaaliyo meel ay ka socdaan, qolo waalidaa noo timid oo na waydiiyay, waxay na yiraahdeen dadkaasi deeqo waxbarasho ayay wadaan, angu ka wasaarad ahaan kama war haynno iyo xafiis imtixaan, Turki oo deeq waxbarasho ina siiyay angu kama war haynno, hadaba ninkii waalid ah ama arday ah ee la macaamula wasaaradda waxbarashadu mas’uul kama aha wixii ka yimaadda.”

Waxa uu tilmamaay inaaney jirin deeqo waxbarasho oo ay ogyihiin oo dalka Turkigana laga helay mas’uulna aaney ka ahayn wixii arrintaa ka yimadda haddii ay run noqoto ama been toona:

“Annagu Soomaaliyana deeqo waxbarasho kama soo qaadanno, Turkina noo aaney keenin, haddaan nahay wasaaradda waxbarashada cid Somaliland joogta oo deeq waxbarasho waddo oo dadka laga ka gureysaa ma jirto, ninkii muwaadin ah ee meel wax ka keenaa waa inuu wasaaradda waxbarashada keenaa, laakiin ninka qolyar u kireystay ee doqon-ma -waaye ku yaalla sida naloo sheegay, haddii uu waxaasi been noqdo iyo haddii uu run noqdo midna mas’uul kama nihin.”

Waxa uu dhaliil u soo jeediyay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu sheegay iney shaqadaa ka gaabisay, maadaama aaney ahayn in gudaha Somaliland deeq waxbarasho aan wasaaradda soo marin lagu arko:

“Arrintaana waxaa ku dhaliilayaa wasaaradda arrimaha dibadda waa shaqadeedii, iyagaa mas’uul ka ah wixii dibad la inaga siiyay iyagaa lasoo mariyaa, waxaan iyaga soo marin inuu dalka ka shaqeeyo maaha. Inamadaa dhalinyarta ahna waxaan kula talinayaa wasaarad waxbarasha jira xafiis imtixaan oo qaran baa jira hadday deeq waxbarasho hayaan oo ummadda ay wax ku kordhinayaan dariiqa saxda ah xalaal iftiin baa la qashaaye hasoo mariyaan.”

Ugu dambeyn, maalmihii lasoo dhaafay ayaa si weyn dadku u hadal hayeen deeqo waxbarasho oo la leeyahay waxaa laga helay dalka Turkiga isla markaana ay gacanta ku hayaan dhalinyaro da’yar ah oo qofkii daneynaya lacag ka qaadaya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close