arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Adeegga Dalabaadka Cunnooyinka ee Makhaayadaha Muqdisho oo Noqday Hab Casri ah

Makhaayadaha ku yaallo magaalada Mugadisho ayaa waxay sameynayaan horumarro ballaaran oo dhanka adeegga ah iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah oo aad u horumarsan.

Makhaayadaha Muqdisho qaarkood ayaa waayihii dambe waxaa soo kordhiyeen dalabaadka carsiga ah, iyaga oo ka guuray dalabaadkii xilliyadii hore , iyadoo hadda qofka macaamiilka ah uu heli karo dalab casri ah oo si heersare ah loogu adeegayo.

Makhaayadahan casriga ah ee magaalada Muqdisho ka hirgalay  ayaa inta badan bulshada waxay u yimaaddaan iney ka cunteeyaan kuwo ayaa u soo aada sheekooyin iyo madadaallo.

Makhaayadaha ku shaqeeya habka casriga ah ee Teknoloojiyadda ayaa waxaa loo isticmaalayaa qalab ganbaleel ah oo uu si dhow u maqli karo adeegaha, isagoo markaasi ku soo hoos dhigaya  shax tilmaameysa waxyaabaha laga helayo goobta.

Qaar ka mid ah macaamiisha joogtada u ah makhaayadaha ku shaqeeya Teknoloojiyadda casriga ah  ayaa waxay nooga  warameen dareenkooda ku aaddan arrintaan.

“Makhaayadihii hore waxay ahaan jireen in uu qofku kabalyeerigu(adeegaha) uu wax badan sugo, waxaa dhici jirtay in dalabkaaga uu u dhaco si aadan ku faraxsaneyn, balse maanta waxaa dareemeysaa in Soomaaliya gaar ahaan Mugadisho ay la jaan qaaday aduunyada kale”.

“Waad dareemi kartaa Makhaayadihii hore marka laga fiiriyo meel walba farqi weyn ayaa u dhaxeeya xagga cuntooyinka,waqtiga makhaayadaha hadda kursigaaga ayaa soo fariisanee booq badan ma arkeysid”.

Ugu dambeyn, horumarka ganacsiga magaalada Mugadisho ayaa u kordhay si fiican sanadihii u dambeeyay,dad dibadda ka soo laabtay ayaa keenay fikrado ganacsi oo horumarsan gaar ahaan makhaayadaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close