WararkaWaxbarashada

Jaamacadda al-Azhar oo Kordhineyso 50% Deeqaha Waxbarasho ee Ay Siiso Ardayda Soomaaliyeed

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, jaamacadda ayaa ballanqaaday iney 50% kordhineyso deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ay siiso.

Sheekh Axmed Al-Dayib ayaa sheegay in Mu’assasada Azhar ay ku garab taagantahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo fikirka xagjirnimada ah.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Sonna, Sheekha Al-azhar ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxaan Alle kaaga rajeynaynaa in uu ku waafajiyo waddada aad ku gaarsiin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga xasillooni iyo horumar. Waxaan kuugu bishaaraynayaa in Azhar ay idinla garab taagan tahay waxbarasho iyo wacyigelin ku aaddan arrimaha diinta si loo dabar gooyo fikirka xagjirnimada.”

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekha Al-azhar ayaa isla qaatay:

1.  In deeqaha waxbarasho ee Azhar ay siiso ardayda Soomaaliyeed la kordhiyo 50% sannadkan.
2.  In Culumada Soomaaliyeed iyo kuwa dhiggooda ah ee Al-Azhar ay yeeshaan kulumo joogta ah oo ku aaddan iftiiminta fikirka xagjirnimada iyo sida uu hareer marsanyahay diinta iyo dhaqanka Islaamka.
3.  In dalka laga hirgaliyo xarun casri ah oo lagu barto Afka Carabiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay kaalinta ay Culumada Azhar ku leeyihiin Soomaaliya iyo guud ahaan hawlwadeennada Mu’asasaadaasi maadama ay tahay hooy waxbarasho oo ay ardayda Soomaaliyeed kusoo hirtaan.

Si kastaba, haddii ay suurtogasho in deeqaha waxbarasho ee jaamacadda al-Azhar la kordhiyo 50%, taa macneheedu waxay ka dhigan tahay in arday farabadan oo Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan iney wax kusoo bartaan mid ka mid ah jaamacadaha Adduunka ugu qaddiimsan oo culumo waaweyn oo Soomaaliyeedna ay horey wax ugu soo barteen.

madaxweyne farmaajo iyo sheekh al azhar

Maandeeq FM

Related Articles

Close