WararkaWaxbarashada

Maamulka Jaamcadda Ummadda oo Ka Hadlay Qaabka ay U Kala Xulayaan 2400 arday oo U Fariisatay Imtixaanka Qubuulka

Maamulka Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa ka hadlay sida ay u kala xulayaan 2400 arday oo imtixaankii qubuulka u fariistay Jaacadda Ummadda maalinimadii shalay .

Prof. Maxamed ayaa sheegay iney doonayaan 1000 oo kaliya oo sanadkan loo qaadanayo kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda ummadda:

“Jaamcadda Ummadda horta 1000 arday ee ugu darajada sarreysa ayaan qaadaneynaa, imtixaanka la galo 1000 arday ee ugu darajo sarreysa ayaan qaadaneynaa, waxaan u qeybineynaa oo aan naqaanaa kulliyad walba inta soo dalbatay, ardayga dalbkiisa Koowaad ayaa la waydiiyaa, dalabka Labaad iyo dalabka saddexaad, haddii dalbkiisa Koowaad looga buundo bato dalbka Labaad ayaa loo eegayaa haddii dalabka labaad looga batana dalabka Saddexaad ayaa loo eegayaa, haddii intaa oo dhan looga buundo batana angagoo fiirineyna maddooyinka uu ku fiican yahay ayaan kulliyada ah jirma mid ku qornaa.”

Guddoomiyaha jaamacadda ummadda ayaa sheegay in sixidda Imtixaanka qubuulka magaca ardayga laga reebo oo number kaliya lagu soxo, hadhow markii la saxo kadib ayaa magaca ardayda iyo number-kiisa la is waafajinayaa:

“Jaamacaddu 1000 arday ee ay qaadaneyso waxaan qaadannaa iyadoo ardayda magacooda aan weli la haleshiin dhibcaha ay keeneen, ardayga oo magaciisu aanuu warqadda ku oollin ayaanu qaadannaa, ayaanu niraahnaa number-ka sirta ah ardayda haloo kala hormariyosida ay u kala buundo badan yihiin, marka aan kunka goynno oo aan niraahno kunkaan ayaan qaadan karnaa inta kalena boos uma haynno markaas ka bacdi ayaa arday walba iyo magaciisa la isla raadshaa, markaas kadib ayaa la raadshaa kulliyadda uu dalbka Koowaad ka dhigtay.”

Guddoomiye Maxamed Axmed ayaa hoosta ka xariiqay iney soo kordhinayaan kulliyado badan oo cilmi ah oo ah  dhanka sayniska kuwaas oo gudaha dalka aad looga baahan yahay.

Ugu dambeyn, Jaamcadda Ummadda ayaa maalinimadii shalay ee 21 August, 2017, waxaa imtixaanka qubuulka u fariistay 2400 arday ,sida wasiirka wasaaradda waxbarshada uu saxaafadda u sheegay, waxaana la filayaa in ardaydaa laga qaato 1000 oo si lacag la’aan ah ku dhiganaya kulliyadaha kala duwan ee jaaamcadda Ummadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close