CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Qalliin Dhanka Madaxa ah oo Lagu Guuleystay Ayaa Lagu Sameeyay Gabaryar oo 4 Bilood Jir ah Gudaha Muqdisho

Qalliin dhanka madaxa ah oo lagu guuleystay ayaa lagu sameeyay gabaryar oo 4 bilood jir ah gudaha magaalada Muqdisho, gabadhanyar ayaa kasoo jeedda qoys sabool ah.

Qalliinkan ayaa waxaa ku guuleystay Isbitaalka Bulaale waxaanuu ahaa mid lagu sameeyey Gabar Afar bil jir ah oo ku dhalatay  Madaxa oo ay Biyo uga jiraan.

Hooyada Gabadhan yar ee qalliinka dhanka madaxa ah lagu sameeyay oo la yiraahdo  Ifraax Aadan Cumar ayaa Sheegtey iney ku faraxsan tahay qalliinka lagu guuleystay ee gabadheeda loogu sameeyey, iyadoo sheegtey in qoys ahaan ay yihiin dad daruuf nolaleed ay haysato.

Dr Maxamed Maxamuud Cali oo ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Bulaale ayaa sheegey in Ilaahey dartii iyo caawinta bani’aadamnimo ee dadka danta yar ay qalliinkan ay ugu sameeyeen gabadhan yar oo ku dhibaneyd xanuunka ay maskaxda Biyahu galaan.

qalliin bullaale

qalliin bullaale1

qalliin bullaale2

 

Xigasho: Wakaalladda wararka ee Sonna.

Maandeeq FM

Related Articles

Close