UncategorizedWacyigelinWararkaWaxbarashada

Qiimaha Wakhtigu uu leeyahay oo Ka Ballaaran Sida aad Fileyso

Qiimaha uu wakhtigu leeyahay qof kasta oo inaga mid ah waa uu ogsoon yahay,  waxaa dhagaheenna aad loogu shubay oo in badan la inagu soo celceliyay inuu wakhtigu sidii seefta oo kale yahay inta aanuu inajarinna loo baahan yahay inaan jarno amaba sida dahabkii oo kale uu yahay oo aan la heli karin sidaa awgeed waxaa muhiim ah inaan wakhtigeenna ka faa’ideysanno oo aan ilbiriqsina si fudud aanan ku beerdarreyn.

Wakhtigu waxa uu la mid yahay, ayaa la yiraahdaa, sidii  Bank biil joogto ah oo maalinle ah aad ka qaadato oo ku siiyo  lacag gaareysa illaa $86400, haddii aad isticmaali waydana lacagtaasi ay kaa dayacmayso oo aaney waxba kaaga dhigmeyn shilinna aan lagaaga ogoleyn maalinta dambe.

Sidaas oo kale qof kasta oo inaga mid ah waxa uu Bankiga wakhtiga ka helaa oo uu ku leeyahay xisaab socota oo maalin kastana ay ku soo dhacaan illaa 86400 ilbiriqsi.

Habeen kasta waxa uu baabi’inaya maalintii oo dib dambe kuguma soo noqonayso haddii wax nacfi leh aad uga faa’ideysan waydo waa khasaare kugu maqan oo si sibiq ah kugu galay.

Hadaba, waxaa laga maarmaan ah inaad wakhtigaaga uga faa’ideysato sida ugu hobboon maalgeshi kasta oo aad ku sameyn kartana aad gashato. Waxaad ogaataa wax barri la yiraahdaa inaanuu jirin maanta waa waayaheeda barrina marka la gaaro ayay maalgashi gaar ah kaaga baahan tahay. Wakhtigaaga maalgasho si aad uga gaarto meesha ugu sarreysa ee Caafimaadkaaga, Guushaada iyo Farxadaada.

Waxaa jira xikmado ku saabsan wakhtiga iyo muhiimadda uu leeyahay oo dadyowga dunidu ay isku dhiirigeliyaan marka ay u arkaan in wakhtigoodu ka dayacan yahay, waaxaana ka mid ah :

– Haddii aad dooneyso inaad ogaato Qiimaha uu sanadku leeyahay waxaad weydiisaa arday imtixaanka ku dhacay oo asaaggii ay ka sare mareen.

– Qiimaha bishu ay leedahay si aad u ogaato weydii Hooyo ilmo dhicis ah dhashay oo xilligiisii kasoo hormaray.

– Qiimaha Isbuuca si aad u ogaato weydii tifaftiraha jaraa’id Isbuucle ah.

– Qiimaha saacadda Haddii aad rabto inaad ogaato weydii dad isku hiloobay oo kalgacayl isku haya in muddo ahna kala maqnaa mid kamid                       ahna uu safar ka yimid.

– Qiimaha daqiiqadda si aad u ogaato weydii qof tareen xilligii uu raaci lahaa daqiiqaddaa ku gafay.

– Qiimaha ilbiriqsiga si aad ku ogaato weydii qof shil baabuur si lama filaan ah uga badbaaday.

– Haddii aad dooneyso inaad ogaato qiimaha hal Millisecond waxaad weydiisaa qof bilad dahab ah ku guuleystay ciyaaraha Olympiad,  oo mudadaa aadka u yar ka horreeyay tartamayaashii kale.

Ugu dambeyn, qiimaha uu wakhtigu leeyahay waa mid aan la qiyaasi karin, tusaale ku filan oo lagu tilmaamana aan la heli karin,  laakiin waxaa inagu badan oo aan aad u adeegsannaa erayga ah “Wakhtiga ayaan ku luminayaa”, kaas oo u dhigma nafteyda ayaan luminayaan oo baabi’inayaa, markaa waxaa habboon inaan wakhtiga ka faa’ideysanno oo inta aanuu ina jarin aan inagu jarno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close