arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wadamada Ugu Kobaca badan Dalxiiska Dunida oo Sanadkan Ay Hogaaminayaan Wadamo aan Laga Fileyn

Waxaa lasoo saaray warbixin 4 bilood leh oo ay si joogtaha Afartii biloodba mar ay u sameyso hay’adda dalxiisa dunida ee UNWTO, iyadoo sanadkan ay si lama filaan ah u hoggaaminayaan waddamo aan laga fileyn.

Tirakoobyada ugu dambeyay ee ay soo saartay hay’adda dalxiiska dunida ayaa lagu sheegay in wadamada ugu koboca badan dhanka dalxiisa dunida ay qaabileen 369 milyan oo qof 4 bilood ee ugu horreeysan sanadka 2017, waana in ka badan 21 milyan marka loo barbar dhigo xilligan oo kale sanadkii hore ee 2016.

Falastin ayaa si lama filaan ah kaalinta Koowaad u gashay oo noqotay goobtii ugu koboca badneyd dunida dhinaca dalxiiska sanadkii 2017, waxaa ku xigtay Masar oo kaalinta Labaad ah, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka dalxiiska adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNWTO.

10 dal ee kalamaha ugu horreeya ku jira waxay u kala horreeyaan sidan:-

1 – Falastin: waxa dalxiisku uu kor u kacay 57.8%

2 – Masar : waxa uu dalxiisku kor u kacay 51%.

3 – Northern Mariana Islands: waxa uu dalxiisku kor u kacay 37.3%.

4 – Iceland: waxa uu dalxiisku kor u kacay 34.9%

5 – Tunisia: waxa uu dalxiisku kor u kacay 32.5%.

6 – Vietnam: waxa uu dalxiisku kor u kacay 31.2%

7 – Uruguay: waxa uu dalxiisku kor u kacay 30.2%

8 – Nicaragua: waxa uu dalxiisku kor u kacay 28.4%

9 – Mongolia: waxa uu dalxiisku kor u kacay 28.3%

10 – Israel: waxa uu dalxiisku kor u kacay 25.1%

Si kastaba, dalka Falastin in kasta oo uu go’doon ku jiro oo si xor ahna aaney dadku u booqan karin, ayaa hadana waxaa ku yaalla goobo badan oo taariikh ah oo uu ugu horreeyo masjidka barakeysan ee al-Aqsaa, iyadoo muddo ka horna madaxweynaha Turkiga ee Erdogan uu ugu baaqay muslimiinta dunida iney masaajidkaa booqdaan oo aan la daycin, si ayna cidkale isku lahaysiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close