WararkaWaxbarashada

Kullanka Guddiga Mashaariicda Waxbarasho ee W.Waxbarashada Somaliland oo Ka Furmay Magaalada Hargeysa

Kulan guddiga Mashaariicda waxbarasho ee wasaaradda waxbarshada Somaliland ayaa ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo looga arrinsanayay sidii mashaariicda hortabinta leh ee waxbarsha.

kulankan oo Labadii sanoba mar la qabto  ayaa waxaa  soo qabanqaabiya wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, waxaana ka qeybgalaya agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa ugu horreeyn saxaafadda uga warabixiyay kulanka iyo ulajeedadiisu waxay tahay:

“Shirka fikraddiisii hore waxaa iska lahayd wasaaradda muddo sanado ah waa uu soo socday, waa shir Labadii sanaba mar la qabto,  waxaa kasoo qeybgala hay’daha la shaqeeya wasaaradda waxbarashada, waxaa kasoo qeybgal deeq bixiyeyaasha inaga caawiya mashaariicda waxbarashada, ulajeedada laga leeyahayn waxa weeyaan in la eego mashaaricda  halka ay marayaan iyo iney u socdaan sidii loo qorsheeyay, ka labaad ee ulajeedada laga leeyahay waxa weeyaan in la hubiyo mashaariicda ay fuliyaan hay’adaha kala duwan ee wasaaradda la shaqeeyaa si aaney u noqon wax si isku mid ah(oo qabto hal shaqo oo isku mid ah), tan saddexaad waxa weeyaan in Lixda bilood ee soo socota lagu qorsheeyo mashaariicda ay fulinayaan iyo wixii laga bedelayo wixii horey u qorsheysnaa.”, ayuu yiri agaasime Axmed.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdullaahi Ibraahim Hobane ayaa sheegay in shirkani lagu lafagurayo wixii horumar ah ee dhinaca waxbarashada laga qabtay:

“Ulajeedada kulanka waa inaan ku lafagurno wixii horumar ah ee dhinaca waxbarashada laga qabtay, weynu dadaaleynaa waxbadanina qabyo ayuu inaga yahay, qabyadaasina Labo ayay iskugu jirtaa oo wax farsamo xumadeenna ku baylahsan iyo wax awooddeenu aaney na gaarsiin wali, wixii farsamo xumadeenna ku baylahaya xaslashadeeda ayaa la inooga baahan yahay haddaan wasaaraddii nahay, in waxaan helno sida ugu habboon iyo meesha ku habboon aan ku isticmaalno.

Ugu dambeyn, shirkan oo Labo maalmood loogu talay inuu socdo ayaa waxaa lasoo gabagabaynayaa maanta oo Arbaco ah iyadoo la filayo iney kasoo baxaan qorshaha mashaariicda waxbarasho ee Lixda bilood ee soo aaddan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close