WararkaWaxbarashada

Magaalada Muqdisho oo Laga Hirgeliyay Iskuul Ay Wax ku Bartaan Caruurta Autism-ku Uu Hayo

Magaalada Muqdisho ayaa laga hirgeliyay Iskuul waxbarasho kii ugu horreeyay ee ay wax ku bartaan caruurta daryeelka gaarka ah u baahan ee qabta cudurka Autism-ka.

Markaskan ayaa daweyn nafsiyan ah iyo mid waxbarasho u fidiya caruurtan daryeelka gaarka ah u baahan ee cudurka Autism-ka qabta, waxay ka helaan deegaan ku habboon iyo nidaam waxbarasho oo la jaanqaadaya xaaladooda.

Asma waa gabaryar oo markaska dhigata sanooyin badan ayay bulshada inteeda kale ka go’neyd, xaalad kalinimana ay ku jirtay, laakiin hadda waxaa ka muuqda iney xaaladeedu soo hagaageyso, kadib 6 bilood oo ay dhiganeysay markaska al-Mustaqbal ee caruurta adeegyada gaarka ah u baahan ee cudurka Autism-ka uu hayo.

Hooyada dhashay Asmaa ayaa telefishinka caanka ah ee al-jazeera u sheegtay iney hadda rajo weyn ay ka dareemayso mustaqbalka gabadheeda yar oo heshay waxbarasho iyo daryeelkii ay u baahneyd:

“Hadda waxay awooddaa iney Qur’aanka akhriso sida ay caruurta asaageeda ah ula ciyaarto deegaanka ku hareeraysan ula falgasho, arrintaa waxaan uga mahadcelinaynaa markaska, rajada aan qabnaa aad ayay u ballaaran tahay ee dhanka mustaqbalkeeda.”

Maamulaha markaska al-Mustaqbal Raxmo Cabdulqaadir ayaa sheegtay iney ardayda wax u baraan sidii hadhow mustaqbalkooda bulshada ay ula jaanqaadi lahaayeen:

“Waxaan xoogga saarnaa laylinta caruurta ee dhinacyada caqli ahaan, bulsha ahaan iyo nafsi ahaanba si hadhow ay naftooda u anfacaan”.

Si kastaba, iskuulkan oo ah mid ay gacanta ku hayaan oo ay isku xilqaameen gabdho aqoonyahan Soomaaliyeed ah oo iyagu si iskaa wax-u-qabso ah ku wada waxbarashada ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah, xilli caruur badan oo Autsm-ku uu hayo ay gudaha dalka ku noolyihiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close