WararkaWaxbarashada

Prof. Faarax Qare oo Kala Saaray Aragtiyada Kala Duwan ee Qiimaha Waxbarashada Dalka iyo Tan Jaamacadaha Dibadda Loo Aado

Guddoomiyaha hay’adda cilmibaarista badda ahna mid kamid ah aqoonyahannada heerka sare ee fara kutirska ah ee uu dalku leeyahay Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” ayaa ka hadlay qiimaha ay  leedahay waxbarashada dalka gudihiisa lagu barta marka loo eego tan dibaadda loo aado.

Prof. Faarax Qare oo ka hadlay xaflad qalinjabin ah oo arday jaamacadeed loogu qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay sababta waxbarashada dalka gudihiisa lagu bartaa ay uga qiimo badan tahay tan dalka dibaddiisa loo aado, waxaana uu yiri:

“Tacliinta halkaan lagu barto iney ka fiican tahay tacliinta dibadda lagu barto, kaliya tacliin ma baraneysid (gudaha dalka) ee deegaankaaga dadkaaga dhaqankiisa waxay rabaan iyo waxay diidan yihiin ayaa baraneysaa, ninkaa bannaanka ka yimid meeshii uu ka yimid ayuu xambaarsan yahay habayaraatee waxbuu ka xambaarsan yahay, waxaa lagayaabaa inuu fasahaad keeno.”

Waxa uu tilmaamay in waxbarashada dalka taalla ay ku fiican tahay dhinacyo farabadan, tii dibaddana aan laga maarmin oo waxyaabaha qaar in laga soo bartaa ay lagama maarmaan tahay:

“Adigu markaa dalkaaga ayaad joogtaa runtii inaad dalkaaga wax ku barato ayaa fiican intii wax noogu keentana waxaan leenahay adduun iyo aakhiro ajar Alle hasiiyo, waa intii aan u furnay iney jaamaadka dadkeennu wax ku bartaan, hase yeeshee adduunyada dhagaha lagama xiran karo, cilmibadan baajira waxyaabo badan baa jira, iyadana sidaad uga faa’ideysan karto waa inaad uga faa’ideysato.”

Prof. Qare waxa uu farta ku fiiqay fikir khaldan oo dadbani ka aaminsanyihiin aqoonta iney tahay mid xafiis iyo madaxnimo lagu gaaro:

“Soomaali haddaan nahay caado ayaan leenahay oo isticmaarkii na bareen, ninka waxyaqaanna waa inuu madax noqdo, waa inuu xafiis fadhiyo, adduunyada waxaa mataqaano, Carter( Jimmy Carter) madaxweyne ayuu ahaa(Dalka Mareykanka), maalintii uu xilka ka dagay beertiisa ayuu tagay wali beertiisa ayuu falanayaa, markaa waa inaan beer yeelanno, waa inaan bakhaar yeelanno, waa inaan ganacsi galno, waa inaan doon yeelanno, waa in ninkii cilmi lahaa uu halkaa shaqada ka bilaabo dalkana uu wax kasoo saaro.”

Faarax Qare, waxa uu aad u dhaliilay dadka aaminsan iney dowladdu waxwalba qaban karto, waxa uu sheegay in dowladda miisaaniyada ay haysataa uu xadidayo, laakiin dhalinyarada aqoonyahankan ah looga baahan yahay iney iyagu shaqo abuur sameeyaan oo cilmiga ay bartaan bushada uga faa’ideeyaan:

“Waxaan leenahay 70% in ka badan waa dhalinyaro dowladdiina waxbay u qaban la’dahay, dowladdu maxay u qabankartaa miisaaniyadba ma haysatee, waxa waxqabankaa waa adiga, adigu inaad isku qabataa waaye, dowladduna waxay kuu fududeyn karto ku siiyo oo nabadgalyadu ugu horreyso, markaa adigu isku tasho, markaad adigu wax istarto ayaad dalkana waxtartay marka ugu horreysa, cilmiga la barto waa inuu noqdo mid dalkaan wax u taraya adiga wax kuu taraya. Ma aha inaad mushaar sugto waa inaad mushaar bixiso.”

Ugu dambeyn, Prof. Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ka mid ah aqoonyahanka heerka sare ee dalkani uu leeyahay ayaa u hiilliayay fikaradda ay qabaan aqoonyahanada qaar oo ah in waxbarashada dalka gudihiisa laga bartaa ay ka qiimo badan tahay tan dalka dibaddiisa, in kasta oo ay muhiim tahay in maaddooyinka aan gudaha laga heli karin dibadda iyo meeshii kale ee ay ka suurtogaleyso loo aado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close