arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Talooyin Kooban oo Ku Aaddan Xoojinta Xusuusta Ardayga

Talooyin kooban oo ku aaddan kobcinta xusuusta arday oo uu ku talinayo khabiir dhanka cilmi-nafsiga ku takhasusay oo heer caalami ah.

Dr. Basim Suleymaan oo ah la taliye dhanka cilmi-nafsiga ah oo u waramay MBC News ayaa ka hadlay waxyaabaha xoojiya xusuusta xilli dadbadani ay ka cawdaan in waxyaabo badan ay illoobaan.

“Sida jirkeennu uu ugu baahan yahay layli ayaa maskaxduna ugu baahan tahay, arrimo kasta oo ku aaddan dhinaca tartamada caqliga looga shaqeysiinayo amaba wax cusub lagu baranayo, arrimahaasi waxay xoojiyay xusuusta, mucaamilka saaxiibada, la dhaqanka bulshada waxa uu xagaajiyaa  iyaguna xusuusta, qosolka, sports-ka oo la ciyaaro, cunnooyinka qaar oo ay ka mid tahay  khudaarta cagaaran noocyadeeda kala duwan waxay hagaajiyaan  xusuusta, iyo wax kasta oo laga helo Omega 3 oo uu ugu horreeyo kalluunka Yuunbiga .”, ayuu yiri,  Dr.Basim

Dr. Basim ayaa sheegaya in Sababaha xusuus yarida keena ay  kow ka tahay buurnida, walwalka, sonkorta, dhiigkarta oo iyaguna qeyb ka ah sababaha xusuus yarida keena.

Si kastaba, waxaa xusuusta ardayga ugu muhiimsan oo la wada ogyaha waa wax akhriska oo uu la socdo ku celcelin iyo qoraal lagu sameeyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee xifdinta u baahan, ku darso talooyinka muhiimka ah ee Dr.Basim.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close