CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Xaaladda Umul-raaca Hooyada Soomaaliyeed oo Heerkeedu aad U Sarreeyo

Xaaladda umul-raaca hooyada ayaa mareyso mareysaa meel aad u sarreysa dunida gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waana sida ay sheegtay hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF.

Boqolkii kun oo haween Soomaali ah oo dhala waxaa umul-raacda 732 ka mid ah  wixii ka dambeeyay 1990-2016 sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF.

Waxaa sahlay dhammaan dhimashada haweenkaan geeriyooday marka ay umuleen, iyagoo aan helin helin adeegyadii ay u baahnaayeen gaar ahaan daryeelka caafimaad oo lagama maarmaan u ahaa badbaada naftooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Xasan ayaa ka war bixiyay waxa ay kala socdaan warbixinta ay soo saartay hay’adda UNICEF.

“Umul raaca Soomaaliya in uu aad u sarreeyo wax sir ah maahan hadana iney noo sheegto UN looma baahna, waxaan ognahnay todobo boqol soddon iyo kow ayaa kunkii dhalaya ka dhinta,wasaaradda caafimaadka waxay ku dartay si arrintaani loola dagaallamo in mudnaanta koowaad ee caafimaadka Soomaaliya arrintaas ay tahay ”, ayuu yiri Dr. Cabdullaahi.

Haweenka uurka leh qaarkood ma fahansana muhiimadda ay u leedahay iyaga iyo ilmahooda in ay joogteeyaan booqashada Isbitaallada loogu talo galay in lagu daryeelo Hooyada iyo Dhallaanka.

Dr Maxamed Salaad oo ku takhasusay arrimaha haweenka ayaa nooga waramay waxyaabaha keena Umul-raaca.

“Sababta waxay noqoneysaa Maamada waxay iska joogtaa gobo lama xitaa magaalada qeybaheeda,waxaa dhici karta in maamada ay ku dhacdo Taroomo aysana maamada ogeyn ayna iska qarsato,ka dib ayaa waxaa noo imaanayo kiiskii oo Safiira”.

Si kastaba, Madaxweynaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxyaabihii uu doorashada ku galay waxaa ka mid ahaa inuu hagaajin doono adeegyada caafimaadka, waxaana looga fadhiyaa inuu madaxweynuhu ka dhabeeyo ballanqaadkaas muhiimka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close