WararkaWaxbarashada

6 Arrimood oo ay Tahay inaad Iska Ilaaliso si C.V-gaaga aan Loogu Tuurin Saladda Qashinka ee Shirkada Waaweyn

Marka aan dhanka maadiga ah ka eegno C.V waa warqadda shaqo la’aanta lagaga baxo, dhanka shaqadana lagu gaaro, hadaba si aad shaqo wanaagsan u hesho waxaa loo baahan yahay in C.V uu noqdo mid soo jiidasho leh, gaar ahaan marka aad shirkadaha waaweyn dooneyso inaad shaqo ka hesho.

Taariikh nololeedkaaga C.V-ga si uu u noqdo mid guuleysta, waxaa loo baahan yahay in arrimaha qaar aad xoogga saarto oo aadan marnaba fududeysan, haddii kale waxaad ogaataa in lagu tuurayo saladda qashan, ogow in shirkada waaweyn kumanaan C.V ah oo aad u farabadan loo geynayo sidaa darteedna aaney fursad u hayn qof kasta.

Hadaba, sida ay ku talinayaan khubarda ku takhasusay Human resources-ka ayaa ah inaan iska ilaalinno khaladaad dhowr ah oo sababaya in C.V lagu tuuro saladda qashinka.

1 – khaladaadka qoraalka 

Waxa ugu horreeya ee masa’uulka shaqaaleysiinta uu isha ku dhufanayaa waa qoraalkaaga, gaar ahaan marka ay shirkaddu tahay mid caalami ah, maxaa yeelay waxaa laga dheehanayaa sida aad shaqadaada muhiimad u siineyso.

2 – Kala horreynta xilliga ee dhinacyada waxbarashada iyo khibradaha

Waxa ugu horreeya ee muhiimadda la siinayaa waa khibradahaagii hore sidaa darteed haddii la arko in wakhiyada qaar uu kala hormarsan yahay, taasina waxay kaa dhigeysaa qof aan mas’uul ahayn.

3 – Qaabka curiska ee C.V u qoran yahay

C.V ga waxaa laga ilaaliyaa shaqooyin farabadan oo aad horey ugu soo qabatay shirkado kale, haddii aad qorto inaad wax kasta qaban karto amaba howlo badan aad isku bedbedeshay waxay shaki gelinaysaa kartidaada shaqo, waxaan loo qaadanayaa in kolba meel lagugu eegayay kadib markii lagaa caalwaayay ama qoraalka qof kale aad kasoo Copy-yaysay.

4- Cidda aad tahay iyo waxa aad dooneyso

Naftaada si fudud u bandhig, sheeg cidda aad tahay iyo danta aad shaqada ka leedahay.

5 – E-mail xirfadi ka muuqato

Cinwaanka e-mail-kaaga waxaa lagama maarmaan ah inuu yahay mid xirfadi ka muuqato, ha fududeysan cinwaankaaga ogow inuu muhiimad weyn uu kuu leeyahay.

6 –  Koorsooyinka aqoon kororsiga iyo kobcinta naftaada

Aqoon korosigaaga joogtada ah waxaa laga dheehanayaa inaad tahay qof xilli kasta horumar fiican shaqadiisa ka sameeyn kara, si kooban oo qurux badna u diyaari oo u qor.

Si kastaba, haddii arrimahaa aan soo sheegnay aad si fiican u qabato waxaa hubaal ah inaan C.V-gaaga aan lagu tuureyn saladda qashinka oo waxa aad sugtaa uu noqonayo interview-ga shaqada oo isaguna kaaga baahan xirfad goonni ah.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close