UncategorizedWararkaWaxbarashada

Haddii aad ka Jawaabto Saddexdan Su’aalood Waxaad ka Mid Tahay Dadka Ugu Caqliga Badan Dunida… Si Taxadar leh Iskaga Eeg

Professor ka tirsan jaamacadda Yale ee caanka ah gudaha dalka Mareykanka ayaa soo saaray imtixaanka ugu gaaban adduunka ee lagu qiyaaso IQ-ga qofka, waxa uu hindisay saddex su’aalood oo lagu qiyaasayo heerka caqli badnaanta qofka ee lagu qiyaaso IQ-ga.

Caadi ahaan imtixaannada lagu qiyaaso IQ-ka qofka ee heerka caqli badnaanta waxay qaataan wakhti badan, su’aalo aad u tiro badan iyo waajibaadyo kala duwan oo qofka la marsiiyaa. Prof. Shane Frederick oo ka tirsan jaamacadda Yale-University ee ka dhisan gudah dalka Mareykanka ayaa imtixaan kooban oo horumarsan hindisay, waana sida ay sheegayso jariidada Freundin ee kasoo baxda dalka Jarmalka.

Su’aalahan saddexda ah ee imtixaanka ayaa u muuqda kuwo marka hore sahlan, laakiin jawaabahooda ayaa ku siraya oo sidii hal-xiraale oo kale ayaa loo sameeyay.

Ogow: markasta oo jawaabahaagu ay degdeg noqdaan qiimeyntaada IQ wey kordheysaa.

Imtixaanka IQ ee ugu gaaban Dunida

1 – Kubadda iyo alwaaxeeda lagu ciyaaro golofka ayaa qiimahooda wadajirka ah uu yahay 1.10 Euro, alwaaxa ayaa ka badan kubadda 1 Euro, hadaba Imisa ayuu noqonayaa qiimaha kubadda? .

2 – Haddii 5 makiinadood ay u baahan yihiin 5 daqiiqo si ay u soo saran 5 waxyaabood oo kala duwan, wakhti intee le’eg ayay ku qaadaneysaa 100 makiinadood iney soo saaraan 100 waxyaabood?

3 – Haddii balli dushiisa ay daboosho caleenta geed u baxeed, maalin kastana uu laba laabmayo tirada ubaxa ee dusha balliga, haddii xilliga caaleenta geedku uu ku daboolayo dhammaan balliga ay qaadaneyso 48 maalmood, imisa maalmood ayaa loo baahan yahay si balliga kala bar caleentu u daboosho?

Jawaabaha ugu badan ee ay dadku bixinayaa waa :

1 – 10 sent.

2 – 100 daqiiqo

3 – 24 maalmood

Jawaabaha Saxda ahna waa sida halka hoose ku qoran:

1 – Lacagta kubaddu waa 5 sent oo kaliya

Qiimaha kubadda waxaan u qaadaneynaa (X), qiimaha looxana wuu ka badan yahay (X) Hal Euro

Sidaa darteed, waxaan u qaadaneynaa X+1

Isle’g ayaa sameysmaysa oo noqoneysa.. Kubadda + alwaaxa= X+X+1= 1.1

2X+1=1.1 , X=0.05, oo la mid ah 5 sent.

2 – 100 mishiin waxay u baahan yihiin 5 daqiiqo oo qura si ay u sameeyaan 100 qalab oo kala duwan.

Sababtuna waa, haddii 5 mishiin ay ku qaadatay 5 daqiiqo si ay u soo saaraan 5 waxyaabood, waxaa shaki la’aan ah in 100 mishiinna ay 5daqiiqo un ku qaadaneyso iney 100 waxyaabood oo kala duwan ay soo saaraan.

3 –  Caleenta Geedka waxay ku qaadaneysaa 47 maalmood si balliga kala bar ay u dabooshi.

Sababtuna waa, haddii caleenta ay laba laabmeyso maalin kasta, taa macaneheedu waa in kala barku uu yahay markii aan xoogaa wakhtiga dib u noqono. Taa macneheedu waa inaan maalin kaliya dib u noqonno markaa ayaa balligu kala bar daboolmayaa. Maalinta 48 hal maalin dib uga noqo waa maalinta 47aad ayaa ah marka balligu uu kala bar daboolan yahay.

Imtixaankan haddii aan natiijo hooseysa ka keenta ogow taasi mushkilad adiga shakhisyan ku haysata maaha ee xoogaa aqoontaadii hore ayay xiriir la leedahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close