WararkaWaxbarashada

In Kabadan 1,400 Arday oo Ka Qalinjabisay Jaamacadda Soomaaliya

Inka Badan 1,400 oo dhamaysatay waxbarashada heerka koobaad ee Jaamacada Soomaaliya ayaa Maalintii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xaflada qalinjabin ah oo ka dhacday Hall-ka weyn ee Hotel Royal Palace ee magaaladan Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin, waalidka ardayda, maamulka iyo macalimiinta Jamaacadd.

Ardaydan oo jaamacadda ka qaatay heerka koowaad ee shahaadada kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, ayaa ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay madaxa waxbarashada ee jaamacadda Soomaliya Axmed Yuusuf Foodcadde, waxaanu sheegey in sanadkan ardya tiradoodu ka badantahay 1,400 ay Jaamacccada ka qalinjabinayaan.

Ismaaciil Cali Siyaad, guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray 1,400 arday ee jaamacadda ka qlainjabiyay, sidoo kalena la dardaarmay.

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, wasiirka waxaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qaybgalo munaasibaddan ay ku qalinjabinayaan 1,400 arday oo bartay culuum kala duwan.

“Waa markaati in Soomaaliya ay tallaabada dhinaca wanaagsan u qaadday, aad ayaan idiin soo dhaweynayaa, maantoo kale waan ogahay shuruucdiinna waa mid aad u heer sarreysa, waxaan xasuustaa maalintii aan sidiinoo kale ka baxayay jaamacadda in shucuurtayda aan la dareemi karin taas oo kale ayaan idinka arkaa, waa idiin hambalyaynayaa waxaan idiin rajeynayaa mustaqbal wanaagsan”, ayuu yiri wasiir wasaaradda waxbarashada XF Soomaaliya.

Gabagabadii munaasibaddaasi, waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka galay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close