WararkaWaxbarashada

Tacabka Beeraha Dalkeenna oo Ubaahan Dhiirigelin Dhinac Walba ah

Tacabka Beeraha waa isha labaad ee waxsoosaarka dalka oo waxaa ka horreeya oo qura xoolaha oo qura, oo dadka ugu badan ay ku tiirsanyihiin hadana cidna kama aaney helin dhiirigelintii ay u baahneyd oo waxaaba dhacda marar badan in xilligii dalaggu uu soo go’ayay lagu soo beego qaybinta mucaawinooyin dalaagga la mid ah oo dalka dibaddiisa laga keeno.

Waxsoosaarka beeraha Soomaaliya waxaa ay gaar siisanyihiin 30% dhaqaalaha guud ee dalka, waxsoosaarka Beeraha waxaa loo isticmaalka waddanka dhexdiisa iyo dhoofinta dibadda.

Gobollada waxsoosaarka Beeraha caanka ku ah waxaa ka mid ah Hiiraan, Shabellada hoose, Shabellada Dhexe, Bakool, Bay, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Nuucyada dalagga ka soo go’a beeraha Soomaaliya waxaa ugu caansan Mooska, Cambaha, Liinta, Masagada, Babayga, Khasabka iyo Qaraha, Liin dhanaanta, sisinta, iyo kuwo kale.. oo farabadan oo dalkeennu caan ku yahay.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed qaarkood ayaa ku baaqaya in bulshada ay u soo jeestaan sidii ay dhulkooda u tacban lahaayeen, ugana faa’ideysan lahaayeen kheyraadka dalka:

“Soomaaliya waxaa jira waxyaabo laga beero iyo waxyaabo aan laga beerin, waxyaabaha ka baxa waxaa ka mid ah Moordiga,Cambaha, digirta oo asal ahaan ah cuntada dhaqanka ah,  Soomaaliya waxaa ka bixi kara waxwalba oo adduunka ka baxa marka laga reebo dhowr Shey, taasna waxay u baahantahay in bulshada loo soo jeediyo in ay wax beertaan”, ayuu yir Shaafici oo ku takhasusay cilmiba Beeraha.

Waxaa jira shirkado isku howlay iney dalka ka hirgeliyaan warshado yaryar kuwaas oo soo saara dalagga beeraha oo kala duwan oo u baahan iney dhiirigelin helaan.

Ugu dambeyn, Dalaga beeraha dalkeenna ayaa waxyaabaha lagu dhiirigelin karo waxaa ka mid ah in wax laga qabto cunnooyinka dibadda laga keeno ee gudaha dalkeenna laga helo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close