WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Warbixin: Dhallinyarada Ka Qalinjabineysa Jaamcadaha Dalka Ma leeyihiin Xirfadihii Ay Shaqo Ku Heli Lahaayeen?

Sanad walba kumanaan arday oo Soomaaliyeed ayaa ka soo qalinjabiya waxbarshada kala duwan ee heerka jaamacadeed gudaha dalka iyo dibadiisaba, ardaydaasi  inta badan ma helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda, taasina waxay sababtaa in qaar badan oo ka mid ahi ay dalka ka hayaamaan, halka kuwo kalena ay camal la’aan ku yihiin deegaannada kala duwan ee dalka.

Hadaba maxaa sababa shaqo la’aanta? Maxaa se xal u noqon kara?

Maandeeq FM ayaa la hadashay qaar ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanka ah oo qaarkood camal la’aanta ku ah ee deegamada kala duwan ee dalka.

Maxamed Cismaan Jaamac, waxa uu bartay kuliyada Engineering-ka, waxa uu ugu horreyn sharaxayaa in shaqo la’aantu ay tahay mid aan lagu koobneyne ay tahay mushkilad caalami ah:

“Shaqo la’aantu waa aafo dunida oo dhan ka jirta guud ahaan, gaar ahaan qaaradda Afrika, waa aafo dhammaan wada saameysay, dhaqaale xumadoodana ay u sii raacdo eexda iyo nin jeclaysiga oo shaqada qofkii ku habboonaa aan loo eegahayn. Haddii hagiyaga Soomaalidu lay dagto aan u soo noqonno, inagoon dowlad adag haysanin muddo dhowr iyo Labaatan sano ah oo kaalintii dowladdu meesha ka baxday, hadana arrin kale oo muhiim ah ayaa jirta; dhalinyarta Soomaalida ee waxbaraneysaa inta badan malaha xirfaddii loo baahnaa ee ay ku shaqeysan lahaayeen”.

Maxamed waxa uu tilmaamay shaqada ugu badan ee dunida laga shaqeystaa iney tahay farsamada, taana laga aradan yahay:

“Xaggii farsamada oo ah shaqada ugu badan ee la qabto dhalinyarta Soomaalidu way ka aradan yihiin, shaqadan kale ee ama xafiis laga qabto ama ha noqot mid Injineer uu qabto ama ha noqoto mid xisaabiye ah uu qabto guud ahaan shaqooyinkan xafiisyada laga qabto way kooban yihiin marwalba, shaqo abuurka ugu badan halka uu ka jiraa  waxa weeye farsamadee oo guud ahaan dhalinyarta Soomaalidu way ka aradan yihiin.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo shaqalaha farsamada uu yahay mid aad u weyn, maadaama shaqaale ajinabi ah ay lacago badan ka sameeyaan gudaha dalka:

“Halkan aan anug joogo, shirkadaha wax dhisaa dibadda ayay shaqaale kasoo dhoofiyaan xirfaddii leh, Pakistan ayaa laga soo dhoofiyaa, Bangladesh ayaa laga soo dhoofiyaa, Suuriyaankii soo qaxay iyo Yemeniyiintii soo qaxay ayaa halkan shaqo aad u fiican ku haysta oo dhaqaale badan ku haysta waxaas oo dhani waa maxay xirfad bay leeyihiin, maanta haddii uu nini rabo inuu warshad lasoo dago farsamyaqaanadii ka shaqeyn lahaana waa inuu lasoo dhoofiyo oo uu dibadda ka keenaa, xirfaddii baa meesha ka maqan waana halka ugu muhiimsan ee shaqo abuurku ka jiro.”

Dhalinyada Soomaaliyeed ayuu ku canaantay iney ka faanaa dantooda oo ah iney bartaan xirfado gacanta laga qabo  oo aaney ka xishoona ama ka kibrin:

“Teeda kalena waxaa jirta mid kale oo ay dhalinyaradu aaminsan yihiin oo ah in shaqada xirfaddu aaney qof waxbartay ku habbooneyn oo runtii iyaduna ah fikir aad u khaldan, waayo waxa ugu badan ee adduunku ku hormaray waa xirfadda dad qabanayo, tusaale ahaan; haddaad Ingineerinka oo kale aad eegto noocuu doonaba ha noqdee, waddanka oo dhan haddii 100 Injineer oo aqoontoodu si wanaagsan u dhisan tahay haddii la helo iney dhammaan wixii oo dhan ku filnaan karaan, laakiin maxaa loo baahan yahay xirfadlayaan kumanaan gaaraya oo fuliya howsha haddow, dhalintii fulin lahayd way ka qashaafayaan(ka faanayaan).”

Waxa uu xusay in kaalintii dowaladda burburkii ka dib meesha ka maqan yahay maadaama aaney jirin iskuulaad iyo jaamacado farabadan oo farsamada lagu barto:

“Kaalintii dowladda ayaa meesha ka maqan oo iskuulaad iyo jaamacado farsamada lagu bartaa ma jiro, jaamacado lagu wada ganacsado oo dhammaantood aad mooddo iney isku wax wada dhigaan ayaa guud ahaan gayiga Soomaalida ka jira, cid kale oo iskuulaadkii farsamada isku xil qaantayna ma jirto.”

Dhinaca kale, Maxamuud Xaamud Badle, waa arday bartay Culuumta Xisaabaadka iyo Maamulka, waxa uu faahfaafin ka bixiyay talaabooyinka lagu yarayn karo camal la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan dalka:

“Tallaabooyinka ay qaadi karaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee jaaamacadaha kala duwan soo dhameeyay aniga waxay iila muuqataa in dhalinyaradu waxbarashadii ay soo barteen iyo aqoontii in ay waxbarashadii ay soo barteen iyo aqoontii ay waddankeedii hooyo dib ugu soo celiyaan, khasabna maaha qofka in shaqo loo abuuro, waa inuu isagu abuuro. Waxaa jira ganacsiyo u baahan in la maalgeliyo iyo kuwa kale oo aan u baahneyn, waxa weeye iney fikraddooda shiilaan oo ay kasoo dhex saaraan ganacsi iyo waxyaabo horumar u ah waddankeenna”.

Si kastaba, waxaa maalin kasta ka qalinjabiya jaamacadaha kala duwan ee dalka kumanaan dhalinyaro ah oo intooda badan ay shaqo la’aan ku hayso gudaha dalka, sababaha ugu badan ee shaqo la’aanta keeneysaana ay tahay waxbarashadii dalku oo u badatay mid xafiis ah, halkaa shaqada ugu badneyd laga heli lahaa ee farsamadana aaney jirin cid dhalinyaro ah oo ku dhiiraneysa.

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close