DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

9 Website oo Muhiim U ah Ardayga Doonaya Inuu Waxbarashadiisa Heersare Ka Gaaro

Haddii aad tahay arday ku gudo jira waxbarashada jaamacadeed amaba dhigta dugsi sare oo aad u tayo sarreeya, waxaa hubaal ah inaad u baahan doonto 9 website ee caalamiga ah oo kuu soo bandhigaya arrimo farabadan oo muhiim ah waxbarashada arday kastaan aauu ka maarmin.

qoraalka wabsite-yada waxaad ku raadineysaa Google oo si sahlan kuugu soo bandhigaya, waana kuwan 9 website:-

1 –  Academia

Haddii  aad raadineyso cilmibaaris jaaamcadeed oo dunida inteeda kale ah booqo website-ka academia, waxaad ka helaysaa xiriirka kumanaan jaamacadaha oo adduunka ah iyo cilmibaarista aad dooneyso nooca ay doontaba ha noqotee.

2 – Papersizes

Haddii aad dooneyso qiyaas goonni ah oo dhanka barnaamijka caanka ah ee sawirada Photoshop-ka, waxaad booqataa papersizes oo warqad kasta oo aad dooneyso qiyaasteeda ugu habboon aad ka heli karto.

3 – autodraw

Fikradda website-kan autodraw waa mid sahlan oo fudud, laakiin saameynteedu ay aad u xeeldheertahay, waxa uu kaa garab siinayaa sawirka aad dooneyso inaad sameyso, haddii aad dooneyso inaan xayawaan goonni ah aad sawirto sida aad wax u rabto ayaad tilmaan ka bixineysaa oo adigaa bilaabaya, kaidbna waxa uu kuu soo bandhigayaa noocyada u dhow ee aad raadineyso oo sample-llo farabadan uu kaa siinayaa, adigoo kadibna ka xulanaya nooca xayawaan ee aad damacsaneyd inaad sawirto.

4 – Ssavr

Ssavr waa adeeg lacag la’aan ah oo macluumaadka aad haysto aad kula wadaagi karto saaxiibadaa, waaxaana adeeggaa ka faa’ideysanaya dadka webka adeegsanaya oo qura.

5 – baheth

Haddii cilmibaaris aad ku rabto dhanka luqadda Carabiga amaba aad raadineyso macnaha eray Af-Carabi ah, waxaad ka helasyaa maraajicda ugu muhiimsan iyo qaamuusyada ugu caansan ee Luqada Carabiga.

6 – papeair

Haddii aad hayso buug word ku qoran oo aad dooneyso inaad u bedesho Pdf qalab kastaa lagu furi karo sida computer-ka mobile-ka Smartphone-ka ah, websiteka papeair ayaad ka helaysaa adeeggaa iyo kuwo kale oo ku cajab gelin doona.

7 – Zonepdf

Waa website aad ku kala bedelato document kala duwan oo dhammaantood lagaaga dhigayo pdf, waxyaabo badan oo kale ayaad ka helaysaa Zonepdf.

8 – openaraby

Waxa uu ku shaqeeyaa website-kani luqadda Carabiga waana goobaha ugu ballaaran ee laga raadiyo document-yada pdf-ka ah, haddii aad cilmibaaris waddo oo aad raadineyso buug amaba document qaabka pdf ah halka aad beegsaneysaa waa openraby.

9 – presentationload

Haddii tusaale ahaan Berri aad leedahay soo jeedin amaba presentation dhanka jaamacadda ah, wakhtiguna uu aad kuugu yaryahay design wanaagsanna aad u baahan tahay oo dhan powerpoint weybkan ayaad beegsaneysaa waxaad ka helaysaa 30 design oo si xirfadleh u diyaarsan aadna u quruxbadan .

Ugu dambeyn, webside-yadan ayaa ah kuwo ardayga u fududeynaya adeegyadooda qaarkood, laakiin maaha kuwo waxbarashada aad uga xeeladeysan karto oo cilmibaaris ay dadka kale leeyihiin intaad soo qaadato aad iska dhigto sidii mid aad adigu leedahay oo kale, taasi waa arrin khilaafsan oo kasoo horjeedda amaanada cilmiga oo laga doonayo arday walbaa inuu ku baraarug sanaado.

Maandeeq FM 

 

Related Articles

Close