JaamacadahaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Dalxiiska Buugaagta: ‘Beenta Waa Laga Simanyahay’, Stephens-Davidowitz

Buuggan ayaa markii hore qoraagu  uu u bixiyay cinwaan uu macnihiisu ka agdhawaa “Waxa aan ka hadlayaa sida ay u ballaaran yihiin”, laakiin ugu dambeyn waxaa uu ku soo baxay magaca ah Everybody Lies(Beenta waa laga simanyahay).

Buuggan ayaa inoo sheegay waxa suurtogal ah ee internet-ku uu nooga sheegi karo nolosheenna dhabta ah. Qoraaga buuggan Stephens-Davidowitz waxa uu noqday caalim dhanka bayaanaadka google uga shaqeeya, waxa uu data badan ka uruuriyay google, kadib waxa uu u gudbay Wikipedia, facebook oo dhammaantood uu data kala duwan oo iyagana uu kasoo uruuriyay.

Dadka internet-ka wax ka raadiya waxay sameeyaan 8 trillion gigabytes oo data ah oo ay google kaga tagaan, data-daa aadka u ballaran wax u dhigma taariikhda horey looma arkin, waxaana laga dheehan karaa waxyaabo badan oo tilmaamaya cidda aan nahay, waxyaabaha aan ka cabsaneyno, doonisteenna, go’aannadeena wanaagsan, waxaanan aqoon dheeraadka u yeelan karna nafta aadanaha oo in ka yar 20 sano gudohood waxbadan laga ogaanayao.

5 sano ayay ku qaadatay inuu baaro data-da ay reebaan dad aan la garaneyn lagana helay barta Google. Caddeymaha gudaha Google  yaalla ee tirada badan waxay daaha ka rogayaan fikrado badan oo ay dadku qariyaan iney cid kale la wadaaganna aaney jeclayn.

Dadku markay dhexdooda sheekaysanayaan been ayay isgu sheekeeyaan, laakiin marka ay si goonni ah u baaranayaan google-ha qof ku dhaca inuu been sheegaa ma jiro oo wax ku khasbayaa ma jiraan.

Dadku waxyaabaha ay beenta ka sheegaan waxaa ka mid ah; inta jeer oo ay xarumaha jirdhiska aadaan, farxadda oo dadka intooda badan waxay ku sheegayaan iney faraxsan yihiin xilliga ay hayso murugada  badan noloshooda, ilaha qaar oo dhanka internet-ka ayaa dadku ku qirtaan waxyaabo aaney caddeysan karin marka ay dadka kale la joogaan.

Caddeymaha google yaalla ee document-ga ah waa wax aad u badan horeyna aan taariikhda wax u dhigma loo arag. Caddeymahan ayaa muujinaya xaaladda dhabta ah ee nafta aadanaha, waxaana buugga lagu sheegay waxyaabaha dadka ku kallifa iney beenta sheegaan.

Data-da  google taalla ayaa waxaa laga dheehanayaa afkaarta ay dadku ku qarsadaan barahooda bulshada ee xasuus qorka u ah noloshooda.

Ugu dambeyn, buuggan ayaa Buuggan ayaa waxa uu soo baxay May 9, 2017, waxaana lagu bixiyay wakhti aad u ballaaran, hadaba hadaad dooneyso inaad waxbadan kasii ogaato buugga Halkan Guji oo Ka Iiboso Amzon.

Maandeeq FM

Related Articles

Close