DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Baabilyiintii Hore oo Xisaabta Saddex-xagalka 1000 Uga Horreeyay Griigga

Hal-xiraale muddo 4,000 oo sano  ku dhawaad lagu wareersanaa oo ku aaddan loox-dhoobeed ilbaxnimadii Baabili ee dalka Ciraaq ka dhisnayd ay lahayd ayaa xalkiisa la helay , waana sida ay sheegayaan cilmibaarayaal u dhashay dalka Australiya.

Looxan ayaa loo yaqaanna “Plimpton 322”, kaas oo ay tilmaamayaan culumada cilmibaarista sameysay inuu si cad u sheegay in ilbaxnimadii hor ee Baabiliyiinta ‘Mesopotamia’ ay 1000 sano in ka badan kaga horreysay xisaabta Saddex Xagalka Gariigga oo la sheego iney dadka kale ugu horreeyeen dhinacaas.

Cilmibaaristan cusub oo laga sameeyay jaamacadda ee New South Wales ee dalka Australia, ayaa muujineysa in looxan oo uu hore u helay caalimka archaeologist iyo diblumaasiga ah ee Edgar Banks oo ka helay looxa koonfurta Ciraaq bilowgii Qarnigii hore ee Labaatanaad, magaalada Larsa intii u dhaxaysay sanadkii 1822-1762 , waxaa ku qoran jadwalkii ugu horreeyay ee xisaabta Saddex-xagalka oo ay adeegsan jireen Injineeradii dhismaha ee Baabil goobaha lagu cibaadeysto iyo qasriyada waaweyn.

Dr. Daniel Mansfield oo ka tirsan kulliyadda Xisaabta iyo Statistics-ka ee jaamacadda New South Wales ayaa si lama filaan ah u akhriyay looxa xilli uu duruus u diyaarinayay ardayda takhasuska xisaaba , markaa kadib ayaa isaga iyo saaxiibkii Dr. Norman Wildberger ayaa waxay goosteen iney baaraan xisaabta Babylonian-kii hore iyo fasiraadda taariikheed ee kala duwan ee loo heli karo looxa.

Dr. Mansfield ayaa yiri, “looxan Plimpton 322 culumada sixaabta waxay ku wareer sanaayeen 70 sano, maxaayeelay jadwalkii ugu faca weynaa ee xisaabta Saddex-xagalka ah oo kaliya maaha ee waxaa sii dheer waa jadwalkii ugu horreeyay ee si wanaagsan oo dhameystiran u diyaarsan. Waana shaqo aad u qiimo badan oo runtii caqli badnaani ka muuqato.”

Caalimkii reer Greek ee dhanka cilmiga Xidiska caanka ku ahaa ee la oranjiray Hipparchus ayaa loo aqoonsanaa inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee jadwal u sameya cilmiga xisaabta Saddex-xagalka, laakiin arrintaa ayaa hadda u muuqata mid meesha ka baxaysa maadama la helay ilbaxnimo 1000 sano kaga horreeyay oo ah tan Baabiliyiinta’e.

Looxan dhoobada ka sameysan ee Plimpton 322 ayaa waxaa hadda lagu hayaa maktabadda waxyaabaha naadirka ah lagu keydiyo ee jaamacadda Columbia University oo ku taalla New York gudaha Dalka Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close