CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dhakhaatiir Qalliin oo Dib Ugu Talaalay Haweenay Gacmaheedii oo ay Ku Weysay Shil Tareen

Koox dhakhaatiir qallin ah oo u dhalatay dalka Fransiiska ayaa ku guuleystay iney dib ugu talaalaal gacmo hawenay gacmeheedii ku wayday shil tareen, qalliinkan ayaa ah mid nadir ah waana kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo laga fuliyo gudaha Faransiiska.

Qalliinka oo qaatay muddo 4 saacadood ah oo ayaa waxaa fuliyay dhakhaatiirta qalliinka ee isbitaalka Jaamacadda Grenoble Alpes hospital oo ku yaalla koonfur bari ee dalka Fransiiska.

Qaallinka ayaa la fuliyay August 14, 2017, kadib Saacad iyo 50 daqiiqo ee shilka, kaas oo ay ku go’een labada gacmood ee hawenayda  da’deeda lagu lagu sheegay 30 jir oo shilku ku haleelay meel boosteejada Chambere u jirta 60 KM.

Isbitaalkan oo bayaan soo saaray ayaa sheegay “Sida dhakhsaha badan ee ay gaadiidka gurmadk degdegga ah u howlgaleen iyo howlkarnimada kooxda caafimaadka ayaa suurtogaliyay in gacmihii dib loo tallaalo, taas oo bukaanka u suurtogelinaysa iney hesho fursad tii ugu wanaagsaneyd ee ay rajada ku heshay, maxaayeelay; haddii muddo dheer la dib dhigi lahaa, waxaa ka dhalan lahayd dhibaato aan la hagaajin karin”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close