arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhibaatooyinka Dhinaca Waxbarasho ee Haysta Dadka Araga La’

Dhibaatooyinka waxbarasho ee haysta dadka aragga la ee ku dhaqan Somaliland waxaa ka mid ah inaaney haysan waxbarasho dugsi sare ah iyo mid heer jaacadeed toona, iyagoo marka ay dugsiga dhexe ka baxaan dhibaato culus kala kulmay sii socoshadooda hamigooda waxbarasho.

Dhibaatooyinka kala duwan ee ay ka cawdaan ardayda araga naafada ka ah ee ku nool Somaliland ayaa waxa ka mid ah in aanay helin waxbarashada dugsi sare iyo jaamacad toona. Waxaana inta badan ay ardaydan waxbarashada kaga haraan dugsiyada hoose dhexe maadaama uu dalka ka jirin Hal iskuul dugsi sare oo loogu talo galay ardayda araga naafada ka ah.

Haddaba, Weriye Khaalid Foodhaadhi oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa warbixin ka diyaariyay dhibaatooyinka dhanka waxbarashada ee haysta ardayda aragga naafada ka ah, waxa uu soo wareystay arday aragga naafo ka ah laakiin sanadkan ku guuleystay tartankii Qura’aan akhriska Somaliland oo la yiraahdo Cabdifataax Xasan Cabdi.

Cabdifartaax Xasan Cabdi waa 17 jir ah arag la’aanna ku dhashay, waxaanuu ugu horreyn ka waramayaa iskuulka kaalinta uu ka gaadhay mustaqbalka waxa uu damacsan yahay:

“Iskuulka waxaan ka gaadhay illaa fasalka 8aad, Qur’aankana Allaa mahadleh waxaan xifdiyay, waa rajeynayaa aqoon sare inaan gaadho. Dadkeennu badan kooda waxay u yaqaannaan qofku hadduu indha beelo inaanu wax qaban karin oo waxwalbaa indhaha ku xidhan yihiin, taasi waa fikrad khalad ah, waa tan la doonayo dadka in la fahamsiiyo, qofka indhaha le’ iyo kan kale isku wax ayay qaban karaan,  isku waxbay dhigan karaan, isku meel bay kaso toosi karaan, isku meel bay u hoyan karaan. Sida qofka kale ugu baahan yahay inuu waxbarto, shaqeysto, iyo heerarka kale ee noloshaba ayaa kan kalena ee aragga naafada ka ah isna uu u bahaan yahoo waa wax Illaahay ku abuuray.”

Cabdifaraax waxa uu kaalinta koowaad ka galay tartankii Qur’aan akhriska iyo xadiiska ee Somaliland ee sanadkii 2017 lagu qabtay magaalada Hargeysa. Tartanka ayaa lagu abaalmarinayay Xaj iyo cimro waxaana ka faa’ideysatay hooyadii oo la yiraahdo Muno Axmed Muuse.

“Waxaan ku guuleystay abaalmarinno kala duwan oo laakiin tii ugu dambeysay waxay ahayd Xaj, Xajka waxaa ka qeybgalaysa oo maantadanba baxaysa hooyaday Illaahay ha-u-soo aqbalee.”

Cabdifataax iyo 17 kale ee la mid ka ah waxay ka walwalsan yihiin mustaqbalkooda waxbarasho, maadaama ay dhawaan un ka baxeen dugsiga hoose dhexe isla markaana aanuu dalka ka jirin dugsi sare oo loogu talogalay ardayda aragga naafada ka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close