WacyigelinWararkaWaxbarashada

3 Tallaabo oo aad Kaga Fogaan Karto Welwelka!

In badna oo inaga mid ah waxay ku noolyihiin welwel iyo walbahaar ku hareeraysan dhinacayada kala duwan ee noloshooda oo mar kastaaba ay mushkilado kala duwan ee dhanka nolosha ah ka cowda.

Professor Hans Nordahl oo ka tirsan jaamacadda Norway qeybta sayniska iyo teknoloojiyadda kuna takhasusay Behavioral Medicine ayaa soo bandhigay 3 tallaabo oo lagaga hortago welwelka iyo walbahaarka nolosha:-

1 – Qiro oo naftaada ka dhaadhici in welwelku yahay mid wakhti badan kaa luminaya

Inta badan waxay dadku isku khaldaan welwelka iyo mushkilada qaar oo xalkoodu kugu adkaado. Laakiin welwelku waxa uu ka dhashaa dareen taban oo ah inaan mushkilaaddii un marwalba ku fakarto, ayadoon wax xal ah loo raadineyn.

Professor Nordahl waxa uu ku talinayaa in dadku ay is weydiiyaan su’aalaha ah: faa’ido noocee ah ayaa welwelka iigu jira? Waxaana habboon ayuu leeyahay in mushkiladda aad ka welwelsan tahay sababaha keena aad xalkooda raadiso.

2 – Xaaladda hadda taagan xoogga saar

Xaaladda aan hadda ku noolnahay inaan xoogga saarno ayaa wanaagsan, inagoon isku mashquulin waxa laga yaabo in mustaqbalka ay yimaaddaan, waxaa habboon inaan fikirka taban ee aan wanaagsaneyn gabi ahaanba ka fogaanno.

3 – Is mashquulinta kaligeed waxba kuuma tareyso

Ma aha fikarada khaldan inaan ka cararno oo aan ka cabsanno, maxaayeelay baqdintaas ayaa iyadu keeneysay saameyn kale oo aan wanaagsaneyn. Dadka qaar mukhaadaraad ayay ku cararaan si ay welwelka iskaga yareeyaan amaba daawashada telefishinka iyo arrimo kale oo ay sheegayaan iney naftooda kaga mashquulinayaan fikirka iyo welwelka,  arrimahaas oo dhaan saameyn aan fiicneyn ayay noloshaada ku yeelanayaan, sidaa darteed waxaa habboon inaan mushkiladdii waajahado oo xalkeeda ugu wanaagsanna aad raadiso.

Ugu dambeyn, professor Nordahl waxa uu leeyahay bani’aadam ahaan waxaan awood u leenahay inaan fakarno oo waxyaabo badan ay naftu filato oo qaarkood mustaqbalkeeda khatar gelin kara, waxaa wanaagsan inaan fikirkeenna u adeegsanno si wanaagsan oo wax dhis leh nafteenana u habboon.

Sources: Daily Mail.

Maaneeq FM

 

Related Articles

Close