WararkaWaxbarashada

Bandhig Suugaaneed ay Ka Qeybgaleen 3 Abwaan oo Caan ah Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Burco

Bandhig suugaaneed si heersare ah loo diyaariyay oo ay ka qeybgaleen 3 abwaan oo caan ah ayaa magaalada Burco loogu qabtay abwaanno da’yar oo Suugaantoodu hirgashay.

Galabnimadii Jimacahii lasoo dhaafay ayaa madal kaliya loogu qabtay bandhig saddexda abawaan ee kala ah; Abwaan Xasan Daahir Weedhsame, abwaan Cabdullaahi Xasan Ganey iyo abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka kala yimid Mareykanka, Ingiriiska iyo Hargeysa, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay naadiga Halkaraan iyo xarunta dhaqanka Hargeysa.

Mas’uuliyiinta naadiga Halkaraan ayaa u mahadceliyay Abwaannada iyo xarunta dhaqanka Hargeysa oo gacan ka geystay qabanqaabada bandhigga oo si wanaagsan u qabsoomay.

Agaasimaha xarunta dhaqanka Hargeysa Ismaaciil Cabdillaahi Ubax ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay naadiga Halkaraan oo ay wada shaqeyni ka dhaxayso:

“Aadbaad u hadsan tihiin wakhtigiinna qaaliga ah iyo sida quruxbadan ee aad noosoo dhaweyseen, Halkaraan iyo Mustafe oo guddoomiyihii ah, waxaan uga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee ay noola shaqeeyeen haddaanu nahay xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa.”

Abwaannadii bandhigga loo qabtay ayaa suugaantoodii qaar ka mid ah la wadaagay dadweynihii tirada badnaa ee bandhigga kasoo qeybgalay oo iyaguna dhankooda si weyn ugu riyaaqay, wacyigelinta iyo guubaabada xeelka dheer oo ay xikmad iyo waayo aragnimaba ka kororosadeen.

Ugu dambeyn, Naadiga Akhriska iyo  Qorista ee Makaraan ayaa ka sameysmay kana farcamay bandhigga Hargeysa Book Fair, waana mid ka mid ah naadiyadaha akhriska iyo qoriska ee ka jira Somaliland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close