arrimaha bulshada

Nin Sheegtay Inuu Aabbe u Yahay 102 Caruur ah… Waxa uu Sidaa u Sameeyay Inuu Dumarka Farxad geliyo

Nin u dhashay dalka Holland ayaa si lama filaan ah waxa uu abbe ugu noqday 102 caruur ah , kadib markii uu hareer maray qawaaniinta sharci ee dhanka dhalmada uga dagsanaa.

Barta Sputniknews ee kasoo baxda gudaha dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in xukuumadda Holland la gaarsiiyay dacwado dumarka farabadan kasoo gaartay oo looga digayo qof ku tabarucay Manidiisa hal isbitaal wax ka badan siiyay, iyadoo loo ogolaa oo kaliya hal isbitaal oo qura inuu  ku  tabarucaadda noocaa ah kale ah u fidiyo, isla markaana caruurta faraciisa ah loo ogolyahay in noqdaan 25 caruur ah oo qura.

Nin kan la tuhunsan yahay oo magaciisa la qariyay ayaa sheegay inaanu arrinta u sameyn in tarankiisu uu bato laakiin sababta ku kalliftay ay ahayd inuu doonayo inuu arko dumar badan oo faraxsan waxa ugu weyn noloshiisana ay tahay inuu dadka faraxad geliyo.

Dalalka Yurub ayaa waxaa ka jira caado dalalka Islaamka ah ka mamnuuc ah, taas oo ah in ninka ragga ah uu ku tabaruco Manidiisa, kadibna hooyadii dooneysaa ay bacramin ahaan ku qaaddo uur kadibna ku dhasho habkaas ilmo aan aabihii la aqoon, laakiin hooyo ahaan ay dooneyso iney kaligeed iska korsato.

Hadda waxaa laga cabsi qabaa in caruurtaa tirada badan ee 102 gaareysaa ee hadana guryo kala duwan kasoo toosaysaa ay hadhow is calmadaan oo iyagoo walaalo dhanka aabaha ka ah ay isguursadaan iyagoon is aqoon.

Maandeeq FM

Related Articles

Close