TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Sawirkaaga oo aad La Wadaagto Saaxiibadaada Baraha Bulshada Waxaa Ku Hagaagta Xasuustaada (Daraasad Cusub)

Daraasad cusub oo lagu soo daabacay joornaalka cilmiga-nafsiga ee “Psychology” tirsigiisii bishan August  ayaa lagu ogaaday in sawirka oo la iska qaado isla markaana lagu daabaco baraha bulshada uu xasuustaada gaarka ah hagaajinayo 7%.

Cilmibaaryaal ka tirsan jaamacadda Washington oo daraasaddan sameeyay ayaa waxay sheegeen in dadka sawiradooda baraha bulshada la wadaaga ay ka wanaagsanaayeen 7% xasuustooda gaarka ah, dadka kale ee aan sidaas sameyn,  xataa haddii aaney cid kale arkin sawirka amaba aaney ka falcelin.

Daraasaddan ayaa waxay u qeybsaneyd koox ka kooban 294 qof oo ka qeybgale ah oo mid kastaaba uu 10 sawir ku kordhinayo bartiisa bulshada, markaa dadkii sawirkooda “Instagram-ka dhigay ee saaxiibadood la wadaagay waxay xasuustoodu hagaagtay 7% marka loo eego kuwii kale ee howl noocan oo kale ah aan qaban.

Si kastaba, daraasadaha arrimaha bulshada iyo baraha Internet-ka laga sameynayo baryahan dambe aad ayay usoo kordhayaan, waxaan ku jiraan xilligii cilmbaarista oo arrin kasta oo nolosheenna ku saabsan qoraallo cilmi ah ayaa laga sameeyaa.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close