arrimaha bulshadaWararka

Golaha Wasiirrada XF Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Iney Barahooda Bulshada Ku soo Daabacaan Arrimo Siyaasadeed oo Xasaasi ah

Ra’isul-wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahadi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mamnuucay iney adeegsadaan warbaahinta kala duwan oo ay baraha bulshadu kow ka tahay.

Ilo ku dhow xafiiska Ra’isul -wasaaraha oo la hadlay Goobjoog News oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa xaqiijiyay in qoraalka loo diray wasiirrada balse aan lala wadaagin saxaafadda oo ganacta ku dhigtay warqaddan.

Warqaddan ayaa u muuqata mid lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa warfaafineed ee Wasiirrada kadib markii ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ay Wasiirrada qaar ay saxaafadda la wadaageen warar is burinayo oo isku dhexyaac geliyay bulshada.

Hadaba warqaddii ay saxaafaddu heshay ayaa u qorneyd sidan:

warqadda wasiirada ee baraha bulshda

Maandeeq FM

Related Articles

Close