CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Faahfaahin: Tirada Dadkii Ku Waxyeelloobay Ceelbiyoodka Ileed ee Gobolka Bari oo Kor U Sii Kacday

Ku dhowaad 20 qof ayaa geeriyootay in ka badan 150 qofna way la ildaran yihiin Ceelbiyood ay dadku aad uga cabbaan oo ku yaalla gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya degmada Isku-Shuban ayaa sheegaya in tuulo halkaas hoostagta ay ku dhinteen 17 qof halka 100 kalena ay la xanuunsanayaan

biyo ay ka cabeen ceel degaanka ku yaalla.

Guddoomiyaha tuulada ay masiibadu ka dhacday ee Timirshe Cabdullaahi Shire Aw Yuusuf oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in 18 ay dhimashadu marayso isla markaana ay  la ildaran yihiin 150 qof oo kale.

 

Cabdullaahi Shire Aw-Yusuf, ayaa ka hadlay tirada dadka ceelka ku sumoobay ee u dhimatay iyo kuwa kale ee la ildaran:

“Waxaan joogaa deegaanka Timirshe oo ah meel Tuulo ka weynaatay Degmana aan gaarin, muddo haddeer Afar Todobaad laga joogo 28 bishii Todobaad ayaa dad baadiyah daggan oo ceel ka cabaaya ayay ku jiradeen, sidaad maqasheen 17 baa horey u dhintay, 150 baa jiradaasu saameysay, waxbadan baa ka saalamo karay oo iney ka kaceen la moodaa, maanta mid baa dhintay. Dadkaasi ceel buu ka cabi jiray xilliga jiilaalka la iskugu tago oo Ceelweyn ah oo dhulkaa oomanaha ah looga soo guuro, waxaanu u sababeynaynaa in dadkaasi ceelka ay biyaha ka cabbeen ay wax ku noqdeen. dhakhaatiir baa ceelkii tagtay oo baareysa biyihii.”

Waxa uu ka hadlay sida ay xaaladda qofku noqoneyso marka sumowga uu ku dhaco, iyadoo illaa iyo hadana aaney jirin cid u gurmatay dadku ay yihiin kuwo aad u liita:

“Qofku marka uu 5 maalin xanuusanayo wuu gubtaa wuu baaba’aa, dadku waa dad reer miyi ah oo abaaro soo maray, haddaan daawo iyo nafaqo aaney helin dadkaasi waa dad liita oo aan la fiirin karin. Puntland iyo Federaal iyo beesha caalamka iyo ganacsatada haba u yaraatee wax gurmad ah meel ay ka heleen ma jirto. Dadkaasi haraad buu u liitaa wax biyo ah ma haystaan , booyado ayaa markii hore loo dhaamin jiray, hadda dadkaasi Illaahay ayay leeyihiin waxay caawa dhintaan waa oon iyo harrad.”

Ugu dambeyn, Ceelkan biyihiisa lagu jiraday oo la yiraahdo Ileed ayaa ah ceelfacweyn illaa xilligii Gumeysiga ay dadka ka cabi jireen wakhtiga jiilaalka, meelo kala duwan ay uga yimaaddaan ceelkan oo tuulada Timirshe la yiraahdo u jira 30 Km meel qar ahna ku yaallaa, Timirshe ayaa dhankeeda  45 Km u jirta Isku-shuban.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close