WararkaWaxbarashada

Maxaad Ka Taqaannaa Mac’hadka MIT oo ah Kan Ugu Sarreeya Teknoloojiyadda Adduunka

MIT waxaa laga soo gaabiyay Massachusetts Institute of Technology, waa jaamacad gaar ah oo ku taalla Cambridge, waxaa la aasaasay sanadkii 1861, iyadoo lagaga jawaabaayay baahida kala duwan ee dhanka warshadaha dalka Mareykanka oo sii kordheysay.

Cilmibaarayaasha mac’hadka waxay ka shaqeeyeen qalabyada casriga ah ee Teknoloojiyadda kuwooda ugu caansan oo ay ka mid yihiin, computer-ka radio-ga, raadaarrada iyo nidaamka Automatica ah ee lagu hago sawaariikhda meelaha fogfog wax ka duqeeya. Waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay jaamacadaha dunida kuwooda ugu tayada sarreeya.

Sanadkii 2015, 84 qof oo qaatay abaalmarinta cilmiga ugu sarreeya ee Nobel Prize, 52 qof oo la siiyay billadda cilmiba ugu sarreysa ee gudaha dalka Mareykanak laga bixiyo, 42 helay deeqda caanka ah ee RHODES Trust, iyo 38 qof oo ku guuleystay abaalmarinta MacArthur oo ah mid la siiyo dadka caqliga badan waxqabadkoodana la tixgeliyo.

Magacyo badan oo caan ah ayaa kasoo baxay mac’hadka waxaa ka mid ah, Kofi Annan xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Salman Khan oo ah aasaasaha akadamiyadda caanka ah ee Khan.

Manhajka lagu dhigo mac’hadka MIT waa mid ka mid ah kuwa ugu tayada sarreeya dunida, qaabka ay cilmiga u gudbiyaanna aad ayuu u heer sarreeyaa oo ardayda waxaa looga dhigaa sidii iney ruwaayad daawanayaan oo kale.

Macallimiintii mac’hadka kuwoodii ugu horreeyay waxaa ka mid ah  Walter Lewin, marka uu ardayda physics-ka u sharraxayo waxa uu u ekaa sidii inuu rawaayadeynayo oo kale ardayduna aad ayay u xiisayn jireen maadadiisa, erayadii dhaxalgalka ahaa ee laga hayo waxaa ka mid ah inuu yiri: “Macallimiinta ardayda necbaysiinaya Physics-ka waa dambiilayaa.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close