WararkaWaxbarashada

Diyaarad ayay Sameysay Markii ay 14 jir ahayd!..Wax ka Baro “Gabadha physics” ee Caqliga Kula Tartameysa Einstein

In lagula barbardhigo caalimka Stephen Hawking amaba Albert Einstein waa arrin aaney dadka oo dhani wada helin sida ay leedahay barta caanka ah ee Indy 100.

Sabrina Gonzalez oo asalkeedu Kuban ah ayaa waxay tahay dadka fara kutiriska ah ee isbarbardhiggaa naadirka ah helay oo culumadaa waaweyn ee dhanka sayniska ah lagu tilmaamay. Markii ay 23jir ahayd ayay qabatay howlo in badan cimrigooda oo dhan ay ku bixinayaan.

14 jirkeedii ayaa waxay awoodday iney sameysato diyaarad u gaar ah oo waxwalba oo ay ka sameysan yahay ay iyadu naqshadeysay farsamadeeda iyo injineerinkeedana ay lahayd, diyaaraddii ay sameysayna iyadaa ku duushay oo waxay noqotay qofka dunida ugu da’dayar ee diyaarad uu isagu sameeyya ku duula.

sabrina Gonzalez11

3 sano oo kaliya marka ay dhiganeysay mac’hadka Massachusetts ee teknoloojiyadda waxay heshey darajo tan ugu sarreysa ee suurtagalka ah ee qof la siiyo oo ah 5.0 , sida barta Yahoo lagu soo daabacay.

Hadda waxay cilmibaaris ka waddaa jaamacadda caanka ah ee Harvard oo P.H.D ay ka diyaarineysaa cilmiga physics-ka, waxayna haysataa xorriyad dhameystiran howlaha cilmibaarista ay waddana cidna kama amar qaadato iyadaa xor u ah cilmibaaristeeda, xubin ka mid ah hay’adda waxbarista ee jaamacadda howsheeda ma faragelin karaan.

Jariidada Forbes ayaa sanadkii 2015 u dooraty iney ka mid tahay 30 qof ee dhanka Sayniska adduunka ugu sarreeya. Waxayna aad u soo jiidatay xubnaha culumada sarsare ee wakaaladda NASA.

Sabrina waxwalba oo ay qabato ama ay soo kordhiso waxay kusoo daabacdaa website-keeda oo la yiraahdo gabadha physics-ka

(PhysicsGirl.com).

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close