arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kulan Suugaaneed Farxad iyo Madadaalo Iskugu Jira oo Habeennimadii Xalay ka Qabsoomay Muqdisho

Habeenimadii xalay waxaa magaaladan Muqdisho lagu qabtay munaasibad suugaaneed ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee dhalinyarada ku nool magaaladan Muqdisho.

Madashan oo ay soo abaabuleen ururka Bahda Naadiga Samadoonka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu soo bandhigay Riwaayado, sheekooyin, Hal-xidhaaleyaal, Gabayo iyo Tartan dhanka Xarfaha Soomaaliga ah.Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay abwaano, aqoonyahay, arday iyo xubnaha ururka Bahda Naadiga Samadoonka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ururkaasi ayaa soo bandhigay riwaayad soo jiitay ka soo qaybgalayaashii munaasibadaasi.

Cabdimaalik Muuse Coldoon, Nageeye Cali Khaliif iyo xubno kale oo madashaasi ka hadlay ayaa dhammaantood ku dheeraaday muhiimada wadaniyada iyo baraarujinta dhalinyarada Soomaalida ay leedahay.

Si kastaba, Kulmada noocan oo kale  ah ayaa ah kuwo muujinaya iney dib u soo noqdeen caways aqooneedkii dhalinayrada oo faraxad iyo madadaalo wanaagsan laga dhaxlo.

nageeye

cabdimaalik

farxad

xaflad1

Xaflad 2

Maandeeq FM

Related Articles

Close