WararkaWaxbarashada

Noole Cusub oo Il maqabatay ah oo Markii Ugu Horreeysay Laga Helay Xeebaha Turkiga

Koox  khubaro u dhashay dalka Turkiga ah oo ka tirsan kulliyadda waxsoosaarka badda ee jaamacadda Sinop, ayaa waxay heleen noole badeed ilmaqabti ah oo cusub, waxayna ka heleen xeebaha gobolka Sinop ee waqooyiga Turkiga.

Jaamacadda ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sheegtay in koox khubaro ah ay heleen noole ilmqabiti ah oo cusub, xilli ay baarayeen noolaha aan lafdhabarta lahayn ee ku nool xeebaha gabolka Sinop.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada caalim ee caanka ah ee Reinhardt Kristensen oo u dhashay Danish iyo Lukas Kazmarek oo u  dhashay Polish ayaa caddeeyay in noolahani uu yahay mid markii ugu horreysay la helay.

noole cusub

Maandeeq FM

Related Articles

Close