WararkaWaxbarashada

Waxqabadkii Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya ee Sanadkan 2017

Waxqabadka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Afartii bilood  ee lasoo dhaafay ayaa waxaa warbaahinta uga warramay wasiiru dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud iyo  xoghaya joogtada oo dhammaantood ka hadlay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u  qabsoomay 2017.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ismaaciil Yusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu horreyn ka hadlay waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee Wasaaradda, waxaanuu yiri:

“Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare waxbadan ayaa u qabsoomay sanadkaan, imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka ka qabsoomay sanadkaan tiradii ugu badneyd ayaa gashay, waxaa is diiwaangelisay 23 kun kadibna ardaydii tooska u gashay waa 18 kun oo arday oo maamul goboleedyada oo dhani ay ku wada jiraan, imtixaankaas oo ay ku guuleysteen 15 kun oo arday iyadoo si amni leh uu ku dhacay imtixaanka.”

Waxqabadka Labaad ee wasaaradda ayuu ku tilmaamay inuu yahay manhajkii oo hadda daabacaddiisii ay meel fiican mareyso iyo xiriir fiican oo ay ka sameeyeen dowlad-goboleedyada kala duwan ee dalka:

“Tan Labaad waxaa kale oo lagu guuleystay in manhajkii isagana uu qoraalkiisii socdo, waxaa kale oo waxqabadkii wasaaradda ka mid ah in xiriirkii maamul-goboleedyada aan wanaajinnay shir ayaan qabsannay is afgarad ayaan la sameynnay maamul-goboleedyada, inta badanna aan booqasho ku tagnay.”

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Axmed Xasan Yusuf ayaa isna ka hadlay qiimaha waxbarashada iyo wixii u qabsoomay, waxaanuu yiri:

“Baahida waxbarasho waa mid bani’aadamka daruuri u ah, cuntada iyo biyaha markii labadaa laga yimaaddo waa kaalinta 3aad ee qofku bani’aadmigu u baahan yihiin, waxaan qabannay in habkii iyo hannaankii aan u wada shaqeyn lahayn dowlad goboleedyada aanu dhisno, xiriir fiican oo wada shaqeyneed oo ku baysgareysan heshiis is faham oo furan oo cad oo saxiixan oo cid waliba ay ixtiraamto.”

Dhinaca kale, wasiiru-dowlaha wasaaradda Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay ku guuleysatay dajinta siyaasad dheellitiran oo dhinac walba ay ka eegeen:

“Siyaasadda waxbarashada Qaranka sidaad la socoto dal waxaa hagaa waa siyaasad, waxaan rabnaa in la helo siyaasad waxbarasho oo ka tarjumeysa baahida dalka iyo hiigsiga, taasina waan ku guuleysannay, siyaasad dheellitiran oo arday kasta oo Soomaali ah oo muslima ah uu heli karo waxbarasho dheellitiran, diintiisa qayimka ahaydna uu haysto maaddooyinkan casriga ahna uu la jaanqaadi karo.”

Si kastaba, mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee wasaaradda waxbarashada ayaa waxqabadkoodii sanadkan bilihiisa hore ku soo koobay, Imtixaankii mideysnaa, dejinta siyaasadda waxbarashada dalka, xiriir fiican oo ay la sameeyeen dowlad-goboleedyada kala duwan ee dalka.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close